HomeWararkaMeeqo Guri ayaa ku yaal Magaalada ugu yar Caalamka?!

Meeqo Guri ayaa ku yaal Magaalada ugu yar Caalamka?!

MUQDISHO (HN) — Hum waa xaafadda ugu yar adduunka oo ku taalla dalka Koroweeshiya. Mararka qaarna waxaa la yiraahdaa magaalada ugu yar adduunka.

Caasimadda Zegreb ayaa looga socdaa laba saac iyo bar. Waxaana ku nool dad dhan 20 ilaa 30 qof oo kaliya. Waxaa la rumeysan yahay inay tahay magaalo qadiimi ah oo jirtay in ka badan 10 qarni. Laakiin wax horumar ah ma sameynin muddadaas. Waxayna leedahay kaliya labo waddo iyo guryo aan dhameyn 20 dhisme.

Dhererkeedu waa 100 mitir. Waxaana balaceedu dhan yahay 30 mitir. Waana sababta loogu tixgeliyo magaalada ugu yar caalamka.

Dalxiisayaal ayaa sannad kasta booqda si ay usoo arkaan. Waana isha dhaqaale ee dadka ku nool ay ku tiirsan yihiin.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments