crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Afarta addin ee eeyaha Swiss-ka oo jaamo loo xirayo! | HimiloNetwork

Afarta addin ee eeyaha Swiss-ka oo jaamo loo xirayo!

Muqdisho (Himilonetwork) – Booliska magaalada Swiss ee Zurich ayaa dadka ku boorinaya inay eeyaha kabo u iibiyaan si looga ilaaliyo kulaylka xoogan ee jiro.
Sida ay warbaahinta sheegtay waxaa la bilaabay olole loogu wacyi gelinayo mulkiilayaasha eeyaha inay xayaawanadan ka ilaaliyaan wax yeelada ka soo gaaraya cimilada kulul, taasi oo laga yaaba inay dhibaatayso cirbahooda.
Waxaa gabi ahaanbo dalalka Yurub ku dhuftay kulayllo aad u xoogan, balse dalka Switzerland ayaa wajahay kulaylkii ugu darnaa tan iyo 1864-tii.
Afhayeen u hadlay booliska Zurich oo lagu magacaabo Michael Walker, ayaa sheegay marka uu heerkulka yahay 30 , heerkulka dhulkana inuu yahay 50-55 .
Marka uu eeyga ku socdo kulaylka dhulka ,waxa laga yaaba inuu lugaha ka gubto sida ay dareeman dadka bini’aadamka ah marka ay kabo la’an socdaan.
Booliska magaalada Zurich ayaa mulkiilayaasha waxay ku dhiira-gelinayaan marka ay eeyaha banaanka u baxinayaan inay ogaadan heerka ay cimilada marayso.
Waxayna sidoo kale mulkiilayaasha ku boorinayaan inaysan xayawaanka ooga tagin gudaha gawaarida kulul, ayna xaqiijiyaan inay haystan biyo kufilan.
“Aad miyey u kulushahay? marka waxaad sameysaa ka fogaw wadooyinka aadka u kulul, eeyaha yaryarna dusha ku qaad!”
Boqolaal qof oo isticmaala barta Facebook ayaa ololahan soo dhaweeyey, iyagoo baahiyey sawirro eeyo xiran kabo.
Xigasho – BBCSomali

 

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!