United States (Himilonews) – Lamaane da’yar oo Georgia ku nool ayaa ku dhex ooyay maxkamadda goortii lagu riday xukun 35-sano ah sababtii ay u galabsadeen danbi cunsuri-naceyb ah oo ay ku sameeyeen xaflad dhalasho oo uu dhiganayay wiil madow ah.
Kayla Rae Norton, oo 25-jir ah, iyo Jose Ismael Torres, oo 26-jira waxay kusoo dhaceen kolonyo xabaarsan calanka confederate Flag – waxayna si fool-xun ula hadleen qoyskan ku dhaqan Douglasville, xilli ay dhalashada 8-sano jirsanaysa ee wiilkooda u dabaal-degayeen.
Norton waxay caddaysay inay ka qoomameysay falalkeedii maalintaas goortii mid kamid ehellada la dulmay oo ku sugnaa maxkamadda ay cafisay – iyada oo ku tiri; ‘Noloshu waxay ku yaraataa naceybka.
Xeer-ilaaliyaha maxkamadda, William McClain ayaa ka xeeriyay xukunka Torres oo ah 20 sano – 13 kamid ahna uu ku qaadan doono xabsiga, Norton waxaa lagu riday 15 sano xukun dhan oo 6 sano oo kamid ah ay xabsiga kula qaadan doonto Torres.
Labadaba waxaa sidoo kale lagu helay inay argagax ka dhigeen madashii xafladdu ka dhaceysay iyo dadkii kale ee ka ag-dhawaa.
Lamaanuhu waxay xubno ka ahaayeen koox lagu magacaabo Respect the Flag,’ waxaana falkan kula soo biiray kolonyo kale kuwaas oo ku qeyliyay dadkii xafladda wada joogay – ereyo handadaad lehna marar kula hadlay.