Oday Xuub oo wax ka badan 40-sano halkan ku nool, indhihiisa waxaa ka tirmay muuqaalkii ay lahaan jirtay kobtan. Waxaana hadda dhaayihiisa ku yabaalan wax 25-kii sano ee ugu danbeeyey ay bulshadu caado ka dhigatay. Taas oo ka dhalatay han jabay iyo howl-yaraatay. Balse Xuub kama qooma-meynayo middaas. Wuxuuse xumaan u dareemayaa jiilka maanta yimid ee lagu soo dhaweeyey duni aan hufneyn iyo dad aan hiigsi laheyn.
Taniyo burburkii dalka, Biya-dageenku wuxuu ahaa isha qura ee qashinka lagu qubo—halkaas oo dad is-xilsaaray ay marmar gubi jireen qashinka. Markii ay dowladdu caasimadda si buuxda ula wareegtay, Biya-dageenku mahelin hiilkii uu mudnaa. Balse wuxuu kusii socday noqoshada bullaacadda kaliya ee ay adeegsadaan danley badan iyo deriska ku dhow. Taas oo ugu danbeyn sababtay inuu qaadi waayo culaabta qashinka iyo wasaqda.
Wajihista fal-celinno aan isku beegneyn oo Biya-dageenka ku dhacay, waxay guntii soo dedejisay in roobabkii badnaa ee da’ayay maalmahan ay girgiradu biyaha celin waayaan taas oo kusoo fatihisay waddooyinka soo gala Biya-dageenka. Hadda qashinka iyo dhiiqada uu soo bixiyo Biya-dageenku waxay kusoo daataan fogaan ka baxsan 50-mitir dhinac kasta.
Deriska hareeraha ka xiga Biya-dageenka waxaa u furan hal waddo—taas oo inay biyaha iska carra-tuuraan. Cid kasta waxaa ku qasab ah in ilinka hore ee gurigeeda ay dhufeys ciideed dhigto say dhiiqada iyo qashinka iskaga moosaan. Walise lama arag door mida oo lagu qaabilay xalkeeda.
Biya-dageenkan oo, marka laga yimaado Biya-dageennada Wardhiigleey iyo Boondheere, ah mid muhiimad goonni ah ugu fadhiya kobta istiraatiji ee uu ku yaallo—halkaas oo arday badan iyo ganacsato muruq-maal ah ay suuqa Bakaaraha ka joogaan dhinacyadeeda, waxay u baahan tahay in dib-u-habeyn lagu dayactiro.
Dad badan waxay qabaan in dan-wadaag iskaashata ay suura-gal ka dhigi karto in Biya-dageenku uu kaalin muuqata ku yeesho yareynta wasaqda iyo dhiiqada hor tuban guryo badan oo agagaarihiisa ku teedsan. Sacdiya Maxamuud oo kamid ah dadka dagan agagaaraha Biya-dageenka waxay rumeysan tahay in xittaa gabdhaha laga qeyb-galiyo ol’ole dib-loogu howlgaliyo Biya-dageenka si looga qaashaanto wasaq iyo dhiiqo ceeb iyo caafimaad darro ku keenta magaca iyo micnaha nolosha Soomaalinimada.
Balse wali majirto wax aan ka aheyn in sanka laga qabsado qurunka kasoo kamkama iyo in gees kale looga beyro wasaqda uu sido. Xittaa docda midig ee Biya-dageenka oo ah dugsi ay dhigtaan arday tira badan, shcuurta diin iyo wadaniyadeed ee qalbigooda ku nool wali may baraarugin. Halka rajada ah dowlad hoose oo laga fisho inay gudato waajibkeeda uu gabbalku usii dhacayo.
Bulshada Soomaaliyeed oo ah umad geyfanida iyo guri-samida jecel waa howlkarro. Mar kasta oo la helo bulsho mida oo tusaale nadaafadeed horseeda, waa maalin cusub oo u dhasha nolosha milga-tirmaysa ee Soomaaliya. Waayo ku dayashada habboon waxa Soomaalidu dunida kaga duwan tahay.
Hayeeshe, taas waxay ku jirtaa hankeenna oo baraaruga iyo howl-wadaagsan oo lagu wada haliilo. Balse inta laga helayo middaas, Soomaalidu waxay ifka ku ahaan doonaan tusaalaha ugu liita ee lagu hal-qabsado uskagga iyo wasaqda.
Hoos ka daawo sawirro laga soo qaaday Biya-dageenka Xareed