HomeWararka13 Jir Qadar u cayaara Kubbadda Laliska oo dhererkiisa iyo da'diisu hadal-hayn...

13 Jir Qadar u cayaara Kubbadda Laliska oo dhererkiisa iyo da’diisu hadal-hayn abuurtay!

MUQDISHO (HN) – Xulka qaranka Qatar ee kubbadda laliska ayaan bandhig wanaagsan ka sameyn tartankii sannadkan ee Horyaalka Qaaradda Aasiya kaddib markii uu dhammaan saddexdii kulan ee heerka guruubyada guuldarro kala kulmay xulalka Thailand, Taipei iyo Kuuriyada Koonfureed.

Si kastaba, Qatar waxay tartanka kaga dhex muuqatay ciyaaryahan dhallinyaro ah oo si weyn loo hadal hayay oo kamid ahaa ciyaartoydii ugu dhibcaha badnaa tartanka.

Ciyaaryahankaas waa Mubarak Musa Thiik Madut, oo la sheegay inuu jiro 13 sano, balse saddexdii kulan oo uu ciyaaray dhaliyay 40 dhibcood oo ka badan dhibcaha ay dhaliyeen dhammaan saaxiibbadiisa kooxda marka mid kasta gooni loogu tiriyo.

Mubarak ma ahan 13 jir caadi ah marka la eego muuqaalkiisa iyo awooddiisa ciyaareed.

Dhererkiisa ayaa lagu sheegay 2.10 mitir, oo u dhiganta qiyaastii 6 fiit iyo 11 inji kana dhigaysa ciyaaryahanka ugu dheer xulka kubbadda laliska Qatar.

Waxaase dad badan ka yaabiyay ma ahan dhererkiisa oo keliya e, waa xirfaddiisa ciyaareed. Wuxuu garoonka uga ciyaaraa sidii ciyaaryahan khibrad sannado badan leh, isaga oo muujinaya faham ciyaareed iyo dhaqdhaqaaq ay dad badani la yaabeen.

Bandhiggiisa wanaagsan ayaa sababay in dad qaarkood ay shaki geliyaan da’da lagu sheegay iyaga oo isweydiinaya in ciyaaryahan intaas le’eg isla markaana leh xirfaddan uu dhab ahaantii 13 jir noqon karo.

Sida ku xusan bogga rasmiga ah ee ciyaaryahanka, Mubarak Musa Thiik Madut wuxuu 24-kii Nofeembar 2012 ku dhashay dalka Koonfurta Suudaan.

Warbixintu waxay sheegaysaa in markii dambe la siiyay dhalashada Qatar oo u saamaxday inuu ku matalo tartamada rasmiga ah ee ciyaaraha.

Marka laga soo tago inuu katirsan yahay xulka qaranka Qatar ee kubbadda laliska, Mubarak ayaa sidoo kale hore ugu guuleystay bilad maar ah tartankii Horyaalka Kubadda Laliska Xeebta ee Aasiya, qaybta ciyaartoyda ka yar 18 sano.

Guushaas ayaa sii kordhisay hadal-haynta ku saabsan da’diisa iyo heerka cayaarihiisa maadaama uu weli yahay ciyaaryahan aad u da’yar.

In qof aad u da’yar uu ka dheeraado laba mitir ma ahan wax aan dunida ciyaaraha hore looga arag.

Dadka qaarkood ayaa soo jeediyay mala-awaal ah in laga yaabo in da’da Mubarak aan si sax ah loo diiwaan-gelin markii uu dhashay, iyaga oo arrintaas la xiriiriyay caqabadaha diiwaangelinta dhalashada ee ka jirta qaybo kamid ah Afrika.

Hayeeshee, tani waa mala-awaal aan caddayn loo soo bandhigin, mana jirto xog lagu xaqiijiyay in da’da Mubarak si khaldan loo diiwaangeliyay.

Xiriirka Kubadda Laliska Qatar ayaan, sida ay warbixintani sheegtay, weli ka hadlin shakiga laga muujiyay da’da ciyaaryahanka.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments