MUQDISHO (HN) – Marka askarta Ruushka lagu dilo dagaalka, xaasaskooda ama ehelkooda ugu dhow waxaa la siiyaa lacag magdhow ah oo hal mar la wada bixinayo oo ka bilaabata 5 milyan oo ruble (qiyaastii $64,000), mararka qaarkoodna ka badan 8 milyan oo ruble (qiyaastii $100,000). Tani waa habka ay dowladda Ruushku ugu xaqiijiso askarta la qoro in haddii, ama sida ay xaaladdu noqon karto, ay naftooda ku waayaan furimaha dagaalka, qoysaskoodu heli doonaan taageero dhaqaale.
Waa nidaam si toos ah u shaqeeya, balse sida muuqata ay si fudud uga faa’iidaysan karaan dad aan damiir lahayn oo doonaya inay lacag ka helaan dhimashada dadka kale.
Tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, warbaahinta Ruushka ayaa si joogto ah uga warramaysay haween loogu yeero ‘Carmallada Madow’ (Black Widows). Waa haween lagu eedeeyo inay ragga ku sasabtaan guur iyaga oo ujeeddadoodu tahay inay dagaalka u diraan, dabadeedna ay qaataan lacagta magdhowga marka la dilo.
Telefishinka CNN ayaa dhowaan wareysi la yeeshay Maria, oo ah haweeney 37 jir ah oo kasoo jeedda magaalada Saint Petersburg. Aabbaheed ayaa dhowaan lagu toogtay furimaha dagaalka ee Ukraine.
Maria ayaan xittaa ogeyn in aabbaheed uu ku biiray ciidanka Ruushka, mana aysan ka warqabin inuu guursaday haweeney isaga 22 sano ka yarayd. Xaaskaas uu guursaday ayaa la sheegay inaysan wax dhib ah ku qabin inuu ninkeedu dagaalka aado, iyada oo laba maalmood oo keliya ay kasoo wareegatay guurkooda.
Haweeneydaas oo Maria aysan waligeed la kulmin ayaa markii dambe qaadatay lacagtii magdhowga ee badnayd oo la bixiyay geerida ninkeeda kaddib.
“Weli waan naxsanahay, welina ma aqbali karo wixii dhacay,” ayay tiri Maria. “Markii hore, waxay ila ahayd riyo. Xittaa hadda, mararka qaarkood waxaan hurdada ka toosaa aniga oo u malaynaya inaan waxaas oo dhan ku riyooday. Laakiin dhab ahaantii way dhacayaan. Waligay lama aan hadlin haweeneydan. Ma garanayo waxaan ku iraahdo, sababta oo ah isla markiiba waxaan ka shakiyay inay tahay khiyaano.”
Dhacdada loogu yeero ‘Garoobada Madow’ ma aha arrin qarsoon gudaha Ruushka. Si furan ayaa looga hadlaa baraha internet-ka, in kasta oo dowladda Ruushku aysan raalli ka ahayn dadka faafiya eedeymo aysan caddayn u hayn.
Tusaale ahaan, muuqaal si weyn ugu faafay baraha bulshada ayaa muujinaya haweeney ka shaqaysa iibinta iyo kiraynta guryaha oo ka hadlaysa haweenka guursada ragga dagaalka aadaya si ay marka ay dhintaan u qaataan lacagta magdhowga oo ay guri ugu iibsadaan.
“Arrintu waa sahlan tahay,” ayay tiri Marina Orlova, oo ah haweeneyda guryaha ka ganacsata, iyada oo qoslaysa. “Soo hel nin katirsan howlgalka milatari ee gaarka ah, marka la dilo waxaad helaysaa 8 milyan oo ruble (qiyaastii $102,000). Maalmahan, haween badan ayaa sidaas ku iibsanaya guryo raqiis ah. Waa ganacsi.”
Hadalkaas naxdinta leh ee haweeneyda ayaa dhaliyay caro xooggan, wuxuuna ugu dambayn soo jiitay dareenka mas’uuliyiinta Ruushka. Waxaa lagu soo oogay dacwad, waxaana lagu xukumay xabsi shuruudaysan, iyada oo sidoo kale lagu khasbay inay raalli-gelin ka bixiso hadalkeeda askarta dagaalka ku jirta iyo xaasaskooda.
Kiisaska qaarkood, waxaa sidoo kale la sheegay in xubno katirsan ciidamada Ruushku ay ku lug lahaayeen qorshayaashan iyaga oo la shaqaynayay haweenka lagu eedeeyay inay ragga guursadaan. Waxaa la tilmaamay inay ragga cusub oo ay guursadeen u diri jireen hawlgallo halis ah oo beddelkeeda ay ka helayaan qeyb kamid ah lacagta magdhowga marka ragga lagu dilo dagaalka.
Baaritaan laga sameeyay gobolka Primorsky Krai ee Ruushka ayaa lagu tuhmay sarkaal darajadiisu tahay warrant officer, saajin katirsan ciidanka iyo xisaabiye milatari inay ku lug lahaayeen qorshe noocaas ah.
Saddexda qof ayaa lagu tuhmay inay raadin jireen rag nugul oo ay u qori jireen ciidanka, u abaabuli jireen guur, dabadeedna u diri jireen jiidda hore ee dagaalka, halkaas oo ay u badan tahay inay ku dhintaan!


