HomeWararkaShiinaha oo - si uu ardaydiisa ugu fududeeyo gaarista dugsiyada - u...

Shiinaha oo – si uu ardaydiisa ugu fududeeyo gaarista dugsiyada – u sameeyey wiishash si degdeg leh ku geyn kara!

MUQDISHO (HN) – Sannadkii 2022, maamulka gobolka Yunnan ee dalka Shiinaha ayaa xarigga ka jaray wiish dhererkiisu yahay 268 mitir, oo loo bixiyay Jaranjarada Qingyun. Wiishkan ayaa loo dhisay in carruurta ku nool tuulada Nizhuhe, oo ku dhex taalla dooxada weyn ee webiga Nizhu, ay si fudud ku gaaraan iskuulkooda iyaga oo aan saacado badan buuraha ku fuulin.

Qiyaastii saddexdii toddobaadba mar, carruurtu waxay mari jireen safar halis badan oo soconayay saddex saacadood, iyaga oo lug ku fuulayay buurta si ay u gaaraan dugsiga hoose ee tuulada Guanzhai. Hayeeshee, markii la dhisay wiishka oo ku dheggan jirid aad u taagan, carruurtu waxay hadda buurta ku gaari karaan daqiiqado kooban gudahood.

Dhismaha wiishka Qingyun Ladder wuxuu ahaa guul weyn oo dhinaca farsamada iyo gaadiidka ah, waxaana si weyn uga hadlay warbaahinta gudaha Shiinaha iyo tan caalamka markii la furay.

Waxaa la oran karaa wiishku wuxuu noqday mid caannimadiisu sababtay dhibaato kale, maadaama dalxiisayaashu ay si aad ah ugu soo qulquleen goobtiisa quruxda badan si ay u raacaan. Muddo yar gudaheed, waxaa caddaatay in awoodda wiishku aysan ku filnayn tirada dadka doonaya inay raacaan, taas oo lamid ama keentay in mararka qaarkood dadku safaf dheer iyo saacado badan ku sugaan tookadooda.

Carruurtii markii hore wiishka loo dhisay waxay xaq u lahaayeen inay lacag la’aan ku raacaan. Si kastaba, xilliyada ay dadku badan yihiin, iyaguna waxay ku qasbanaayeen inay safka sugaan ilaa ay ka gaarayaan waqtigooda.

Nasiib wanaag, muddada sugitaanka ayaa dhawaan kala bar hoos loo dhigay, kaddib markii la furay wiish labaad oo muraayad leh oo laga dhisay meel ku dhow wiishkii koowaad.

Wiishka cusub oo loo bixiyay Fuyao, wuxuu dhererkiisu gaarayaa 288 mitir ama qiyaastii 945 fiit, marka laga cabbiro sagxadda dooxada. Taas oo ka dhigaysaa mid kamid ah wiishashka bannaanka laga dhisay ee ugu yaabka badan dunida.

Wiishka Fuyao ayaa ka dheereeya kana ballaaran wiishkii hore, halka marinkiisa uu 20 mitir ka dheer yahay kii hore.

Carruurta uu wiishkani u adeegayo ayaa weli marka hore raaca gaari yar oo u qaada wiishka bannaanka yaalla kaddibna waxay raacaan gaari ku socda fiilooyinka hawada mara. Si kastaba ha ahaatee, hadda waxay iskuulkooda ku gaaraan qiyaastii 30 daqiiqo, halkii ay markii hore saddex saacadood ku qaadan jireen.

Waxaa intaas dheer in safarkii hore ee iskuulka iyo soo laabashadiisu uu qaadan jiray lix saacadood.

“Markii hore, waxaan alaabtayda ku qaadan jiray gacanta, waxaanan saddex saacadood lug ku socon jiray waddooyinka buuraha si aan iskuulka u gaaro. Haddii aanan taxaddarin, si fudud ayaan u simbiriirixi karay oo u dhici karay,” ayuu arday kamid ah carruurtan u sheegay wakaaladda wararka ee Xinhua.

“Waad ku mahadsan tahay labada wiish ee isku xiran, safarkii iskuulka oo kamid ahaa kuwa ugu daalka iyo halista badnaa ayaa hadda isu beddelay mid kamid ah safarrada iskuulka ee ugu xiisaha badan dunida.”

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments