HomeDunida Muslimka"Maxaad Xalaasha oo kaliya u iibisaan?" - Muslimiin lagu heysto Sababta ay...

“Maxaad Xalaasha oo kaliya u iibisaan?” – Muslimiin lagu heysto Sababta ay Xalaasha u cunaan!

MUQDISHO (HN) – Xubno katirsan xisbiga BJP ayaa dibadbax ka dhigay bannaanka maqaayadda Mothers Hut oo ku taalla agagaarka Bhatjangla, degmada Nadia ee gobolka West Bengal. Dibadbaxa wuxuu sababay is-horfadhi kooban oo ka dhacay bannaanka maqaayadda.

Sida lagu sheegay wararka, qaar kamid ah taageerayaasha Hindutva ayaa gudaha u galay maqaayadda iyaga oo shaqaalaha iyo macaamiisha weydiiyay nooca hilibka halkaas lagu iibiyo. Shaqaaluhu waxay u sheegeen in hilibka la bixiyo uu yahay xalaal oo kaliya.

Markii dibadbaxayaashu weydiiyeen in la hayo hilibka jhatka oo ah hilib ay cunaan dadka heysta diinta Sikh-ga laguna wargeliyay inaan la hayn, waxaa xigay dood kulul. Maamulka maqaayaddu wuxuu sharaxay siyaasaddooda ku saabsan nooca hilibka ay bixiyaan, balse dibadbaxayaashu kuma qancin.

Kadibna kooxdu waxay dibadbaxa u wareejiyeen bannaanka maqaayadda, halkaas oo uu socday in ka badan laba saacadood. Waxay ku doodeen in maqaayaddu ay iibiso hilib xalaal ah iyada oo aan si cad loogu sheegin macaamiisha Hinduuga ama aan lagu xusin liiska cuntada (menu-ga).

Mid kamid ah shaqaalaha BJP, Uday Rajnath, ayaa dalbaday in maqaayadaha noocan oo kale ah ay si cad u muujiyaan nooca hilibka ay adeegaan, isla markaana haddii ay suurtagal tahay sidoo kale bixiyaan hilibyada kale si ay ugu adeegaan macaamiisha doorbidaya noocaas.

Booliska ka socday sal-dhigga Krishnanagar Kotwali ayaa goobta yimid markii lagu wargeliyay dhacdada. Waxay la hadleen labada dhinac, waxayna ku guuleysteen inay dejiyaan xaaladda. Mudaharaadku wuxuu ku dhammaaday si nabad ah, iyada oo aan la soo sheegin wax rabshado ah.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments