HomeWararkaGabar shaqada looga tiray soo-gelitaankeeda waqtiga shaqada kahor maalin walba!

Gabar shaqada looga tiray soo-gelitaankeeda waqtiga shaqada kahor maalin walba!

MUQDISHO (HN) – Shaqada oo aad kasoo daahdo waxay aalaaba keeni kartaa in booska lagaa tiro, balse shaqada oo aad usoo dhaqsatid iyaduna waxay la micno tahay inaad shaqadaada ku waayi karto. Tani waa wixii ku dhacay haweeney u dhalatay Isbayn oo – in kasta oo looga digay inaysan xilli hore usoo kallihin shaqada – haddana iska indha-tirkeedaas uu ku sababay inay shaqadeeda ku weyso.

Gabadhan da’yarta ah oo u shaqeysa shirkad bixisa adeegga ‘delievery-ga’ waxay shaqada soo geli jirtay nuska saac iyo halka saac aroor walba in kasta oo loo sheegay in xilliga ay shaqada soo galayso ay tahay 7:30 subax walba. Tani ayaa la micno ahayd in waqti ka horreeya xilliga soo-gelitaanka shaqada ay kasoo horumari jirtay shaqaalaha kale taas oo uusan ku farxin maareeyaha. Muddo labo sannadood ah waxaa looga digayay inaysan soo dhaqsanin oo ay ku timaado waqtigii loo qabtay inay shaqdaa soo gasho. Balse digniintaas uma qaadanin si dhab ah.

Bilowgii sannadkan, si kastaba, maareeyaheeda ayaa ka tiray shaqada isaga oo ku eedeynaya dhaqan-darro maadaama ay soo galayso shaqada xilli aysanba shaqadu bilaabanin. Waxay isku dayay inay difaacato xaqeeda – iyada oo dacwad u gudbisay maxkamadda shaqaalaha.

Laakiin, la-yaab waxaa noqday in maxkamaddu la safatay maareeyaha shirkadda – iyada oo ku eedeynaysa in iska indha-tirkeeda la xiriira digniinaha loo jeediyay awgeed ay tilmaan taban iyo tusaale aan fiicneyn ay u noqonayso shaqaalaha kale.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments