HomeWararkaAlle dile unbaa dhinta: labo xabad ayaa madaxa uga dhacday mana dhiman!

Alle dile unbaa dhinta: labo xabad ayaa madaxa uga dhacday mana dhiman!

MUQDISHO (HN) — Nin u dhashay dalka Mexico ayaa noqday qofkii ugu nasiibka badnaa sannadkan kaddib markii uu ka badbaaday labo xabadood oo madaxa uga dhacday – kuwaas oo aan ka gudbin lafaha madaxa balse ku joogsaday.

Ninkan oo la yiraahdo Francisco wuxuu marayay mid kamid ah waddooyinka caasimadda Mexico kolkii uu qori ula soo baxay Carlos N. kaas oo labo jeer madaxa kaga dhiftay xabado. Sababta dilkiisa ka dambeysa weli lama sheegin balse waxaa hadalheynta dalkiisa qabsatay sida uu ku badbaaday ee la-yaabka leh. Waxaana la isla dhex maray Alle dila unbaa dhinta. Halkii loo badinayay inay xabaduhu madaxa kala fujiyaan, waxay dhaafi waayeen lafaha waxaana ay kaliya dilaacsheen maqaarkiisa kore.

Maadama uu dhaawac yar soo gaaray, Francisco ma miirdaboolmin, wuxuuna maareeyey inuu booliska u dhow la wadaago halista uu la kulmo iyo dilaaga. Waxaana lagu guuleystay in la qabto dilaaga.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments