HomeWararkaBakeylaha ugu weyn Ifka Guudkiisa! + Sawirro.

Bakeylaha ugu weyn Ifka Guudkiisa! + Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Wuxuu culus yahay culaab dhan 10 kilogram (22 lbs). Waxayna tani ka dhigaysaa midka ugu weyn Bakeylaha ifka jooga. Waxaa loogu yeeraa Boqorka Bakeylayaasha. Haddii si gaasa-baxsan loo dhaqaaleeyo, waxaa la rumeysan yahay in nuuciisa oo kale oo badan ay dhali karaan jaadkan Bakeylaha kamidka ah.

Madaxweyn, dhego dheer iyo jir ballaaran ayuu leeyahay. Dhererkiisa dhuljiifeed wuxuu gaarayaa 1.3 m.

Weynidiisa waxay sidoo kale ka dhigan tahay cirweynaan uu kaga soocan yahay bakeylaha kale. Wuxuuna u baahan yahay cunnooyin dheeraad ah. Wuxuu soo jireen yahay taniyo qarnigii 16aad.

In kasta oo markiisii koowaad la ogaaday sannadkii 1910-kii, haddana waxaa loo dhaqdaa si hilibkiisa iyo dhogortiisaba looga dheefsado. Waxaa intaas dheer inuu hayin ama rabaayo ahaan loogu heysto guryaha.

Waa saaxiibka dhabta ah ee carruurta yaryarka ah.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments