MUQDISHO (HN) — Sannad kasta boqollaal qof oo ku nool gobalka Uttarakhand ayaa ka qeybgala Bagwal oo ah cayaar waraf lagu dagaallamo taas oo aalaaba sababta dhaawacyo halista oo soo kala gaara kuwa diriraya.
Bagwal micno ahaan waa tuuryayn ama shiidid – sida ciyaal weerada ay warafka ugu dagaalami jireen – waana dabaaldeg sannadlaha ah oo dhinacyada diriraya ay qasab tahay inay dhiig iska keenaan hadba sida loogu kala xoog roonaado. Afar qabiil oo degan degmada Champawat ayaa ka qeybgala. Micno malahan dhaawacyada la kala gurto ama inta jeer dhiiggu qulqulo, Bagwal waa mid soo jireen ah oo la is hortaagi waayay in la ciribtiro.
Waana aragti diimeed ay aaminsan yihiin oo ah huraal ay dhiiga qubanaya u hibeynayaan waxa ay ugu yeeraan Barahi oo ah mid kamid ah Ilaahyadooda. Waxay aaminsan yihiin in Barahi uu ahaa xoreeyihii degaanka Devidhura oo ah halka cayaartan lagu dheelo. Afartani qabiilna – Walik, Chamyal, Lamgaria, iyo Gaherwal – waxay mahadnaq ahaan sannad kasta dhiig ugu daadiyaan si ay u weyneeyaan Barahi. Waana dalab sida ay sheegeen xaggiisa uga yimid oo ah inay ku weyneeyaan.
Macadda goortii uu soo bilowday Bagwal laakiin qarniyo ayuu soo jireen yahay – dadka deegaankuna weli kama salguurin inay ku dhagan yihiin dhaqankaas haraadiga ah ee uga yimid awoowayaashoodii hore. Sannadkii 2013-ka, si kastaba, dowladda ayaa isku dayday in dhagxaanta iyo shiidadka la isku tuurayo lagu beddelo qudaar sida tufaax, laakiin cidna kuma raacin oo waa lagu gacanseyray.
Ujeedku ugu weynba waa in dhiig la daadiyo.
Markii xattaa uu dunida ka dilaacay xanuunka Covid-19, oo la mamnuucay in la isku yimaado, xagjir mayal-adag ee qabiiladaas kasoo jeeda ayaa diiday inay baajiyaan waxayna iskugu soo baxeen boqollaal.
Weliba dheg jalaq uma aysan siinin mamnuucidda ay dowladdu kusoo rogtay dhagxaanta. Yaabka jira wuxuu yahay Bagwal wuxuu kaliya qaataa 7 daqiiqdo inuu kusoo idlaado. Waxaase, tusaaale ahaan, sannadkii tagay, ku dhaawacmay 77 qofood oo 300 oo qof oo kamid ah cayaal-weerada. Gargaar degdeg ah ayay ku bixisaa dowladda goor walba oo isku imaatinkaas la qabanayo si loola tacaalo dhaawacyada ku waxyeelooba weerada socota.
You must log in to post a comment.