HomeDunida MuslimkaCunugii ugu horreeyey ayaa ku dhashay Xajka sannadkan.

Cunugii ugu horreeyey ayaa ku dhashay Xajka sannadkan.

MUQDISHO (HN) — Lammaane dalka Hindiya u dhashay oo Sucuudiga u jooga gudasha acmaasha Xajka ayaa Alle ugu deeqay dhallaan – kaas oo noqonaya kii ugu horreeyey sannadkan ee lagu dhalo Xaramka, sida laga soo xigtay Saudi State Media.


Ilmahan ku dhashay Sucuudiga ayaa loo bixiyay Madinah oo ah magaaladii Nebiga NNKH si ay u weyneeyaan jaceylka ay u qabaan Suubanaha.

Sannad kasta, dhowr ilmood ayaa la dhalaa inta lagu jiro gudashada acmaasha barakeysan ee Xajka. Ilmahan ku dhasha Xajka ayaa noqda kuwa aad loogu riyaaqo dhalashadooda.

Muslimiinta ayaa sannad kasta soo aada magaalada Makka si ay u gutaan acmaasha Xajka.

Xajka sannadkan ayaa lagu wadaa inuu bilowdo 9th bisha August wuxuuna soconayaa ilaa laga gaarayo 14-ka bisha August.

Tiro lagu hilaadiyay 200,000 oo Xujey u dhashay dalka Hindiya ayaa sannadkan qeyb ka noqonaya gudashada acmaasha Xajka.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments