MUQDISHO (HN) – Xiisado cusub ayaa ka qarxay magaalada Dehradun ee gobolka Uttarakhand kaddib khudbado kicin iyo naceyb xambaarsan oo ay jeediyeen qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha Hinduuga ee deegaanka. Hadalladan ayaa dhaliyay caro ballaaran iyo baaqyo lagu dalbanayo in tallaabo sharci ah laga qaado hadallada naceybka iyo hurinta rabshadaha la xiriira.
Hadalladan ayaa soo baxay maalmo un kadib dilkii dhacay 13-kii Juun ee Vinod Kumar Kashyap oo ahaa hoggaamiye katirsan garabka OBC ee Bharatiya Janata Party (BJP). Kashyap ayaa ku dhintay iska horimaad rabshado watay, kaas oo la sheegay inuu ka dhashay muran la xiriiray biyaha waraabka ee ceel dowladeed.
Dhacdadan ayaa sii hurisay xiisadaha u dhexeeya bulshooyinka kala diimaha ah ee deegaanka Bairagiwala oo dhalisay dibadbaxyo ay soo abaabuleen ururro Hindu ah. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in xaafad ay Muslimiintu ku badan yihiin laga geystay dab la qabadsiiyay hanti iyo dhagax-tuur.
Rabshadaha kaddib, dadweyne Hindu ah ayaa la sheegay inay dab qabadsiiyeen guriga eedeysanaha kadibna mas’uuliyiintu waxay burburiyeen gurigaas iyaga oo ku sababeeyay inuu ahaa dhisme sharci-darro ah.
Jawiga oo weli kacsan, Lalit Sharma, oo ah madaxweynaha ururka Hindu Raksha Dal, ayaa la hadlay warbaahinta isaga oo jeediyay hadallo si weyn loo cambaareeyay. Waxaa la sheegay inuu ku baaqay in afar Muslim ah loogu aaro qof kasta oo Hindu ah oo la dilo, sidoo kalena uu hanjabaado u jeediyay haweenka Muslimiinta iyo carruurta uurka ku jirta. Wuxuu sheegay in la isku dayi doono in “xattaa ilmaha uurka ku jira la dilo.”
Isla kulankaas, Aman Swedia oo katirsan ururrada Vishva Hindu Parishad (VHP) iyo Bajrang Dal ayaa ku baaqay “in dhiig lagu beddelo dhiig,” isaga oo xubno katirsan bulshada Muslimiinta ku eedeeyay dilka. Sharma ayaa sidoo kale laga maqlay isaga oo adeegsanaya erayo aflagaaddo ah oo ka dhan ah Muslimiinta. Muuqaallada khudbadahaas ayaa si degdeg ah ugu faafay baraha bulshada.
Ilaa hadda, mas’uuliyiintu ma aysan shaacin wax tallaabooyin rasmi ah oo laga qaaday khudbadahaas, in kasta oo baaqyada lagu dalbanayo baaritaan iyo isla-xisaabtan ay sii kordhayaan.