MUQDISHO (HN) – Xeebta Bagno Marino La Lanterna oo dadka deegaanku u yaqaannaan El Pedocin waxaa la aas’aasay sannadkii 1903. Waxayna kamid tahay meelaha ugu caansan magaalada Trieste oo lagu dabaasho, balse sidoo kale ah mid kamid ah xeebaha ugu muranka badan Yurub.
Sababta muranka dhalisay ayaa ah in xeebtan loo arko xeebtii ugu dambeysay oo Yurub kamid ah oo weli Ragga iyo Dumarka si rasmi ah loogu kala soocay. Waxaa labada dhinac kala qeybiya derbi shub ah oo caddaan ah oo dhererkiisu yahay qiyaastii 2.7 mitir.
Qarnigii 20-aad bilowgiisii iyo bartamihiisii, xeebaha ragga iyo dumarka lagu kala sooco ma ahayn wax lala yaabo. Waxaa loo sameeyay si loo ilaaliyo asturnaanta haweenka, iyada oo loo oggolaanayay inay xirtaan dhar dabaal oo gaaban oo aan soo jiidan dareenka ragga intiisa badan.
Markii garashadii suubaneed ee umadda – ee anshaxa bulshada la xiriirtay – ay is-beddeshay, xeebihii kala soocnaa badankood waxay saareen soohdintii u dhexeeyay ragga iyo dumarka ee kala qeybinaysay. Hase yeeshee, El Pedocin ayaa noqotay xeebtii kaliya oo ilaalisay dhaqankaas.
Derbiga kala qeybiya ragga iyo dumarka wuxuu sii galaa biyaha gacanka Adriatic Sea. Marka laga gudbo halka uu derbigu ku dhammaado ee biyaha, ragga iyo dumarku way isu gudbi karaan oo si caadi ah ayay u wadaagi karaan biyaha haddii ay rabaan.
Si kastaba, qeybta xeebta ee dhagxaanta leh waa ka mamnuuc qofka katirsan jinsi kale. Dowladda hoose waxay leedahay albaabbo kala duwan oo laga galo labada dhinac, waxaana qof kasta laga qaadaa lacag dhan 1.20 euro.
In kasta oo dadka deegaanka badankoodu u arkaan El Pedocin inay tahay qeyb muhiim ah oo kamid ah taariikhda iyo dhaqanka magaalada Trieste, haddana mararka qaarkood waxay dhalisaa muran.
Horaantii bishan, xeebtan ayaa cinwaannada caalami ah gashay kadib markii haweeney ay u gudubtay dhinaca ragga, taa soo dhalisay muran kulul.
Sida la sheegay, haweeneyda ayaa ku qaylisay: “Waxaad tihiin dad jinsiga takooraya. Tani waa faquuq. Waana inaad ka xishootaan.”
Wararka qaar ayaa sheegaya in haweeneydu ay doonaysay oo kaliya inay ka caawiso ninkeeda inuu dharka ka bixiyo wiilkooda naafada ah, kahor inta aysan dib ugu noqon dhinaca haweenka. Si kastaba, raggii joogay dhinacooda arrintaas ma aysan aqbalin.
Haweeneyda ayaa ugu dambayn laga saaray goobta kahor inta uusan muranku isu beddelin gacan-ka-hadal.
Dhacdadan ayaa dib u hurisay dood ku saabsan in qarniga 21-aad ay weli habboon tahay in xeeb Yurub ku taalla lagu kala sooco ragga iyo dumarka.
Qaar badan ayaa ku tilmaamay fikraddan mid duug ah oo aan la jaanqaadi karin waqtigan cusub. Laakiin dad badan oo reer Trieste ah ayaa si adag u difaacay xeebta iyo derbigeeda.
Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa ku qoray barta X: “Tani kama imaan qarniyadii dhexe! Waa qeyb kamid ah taariikhda Trieste. Ma jiro qof reer Trieste ah oo doonaya in derbigan la dumiyo.”
Qof kale ayaa isaguna yiri: “Pedocin waa qeyb kamid ah dhaqanka Trieste. Hadda waxay dhibbane u noqotay waxa loo yaqaan ‘cancel culture.’