MUQDISHO (HN) – Hamza Sheekh waa nin geesi ah. Wuxuu muddo 15 sannadood ka badan naftiisa u hurayaa badbaadinta dadka ku dhaca webiga Chenab ee gobollada Jammu iyo Kashmir. In kasta oo uusan heysan qalab badbaado, tababbar rasmi ah ama mushahar dowladeed toona, haddana wuxuu soo saaray boqollaal meydad ah wuxuuna badbaadiyay ku dhowaad 300 qof oo nool.
“Waxaan meeshan ku noolaa tan iyo carruurnimadayda. Tanina waa tababbarkeenna,” ayuu yiri.
Webiga Chenab ayaa noqday mid aad u halis badan kadib dhul-gariirkii 2008, waxaana marar badan ka dhacay shilal iyo daadad. Marka qof la waayo ama uu ku dhaco webiga, dadka deegaanka waxay si toos ah u wacaan Hamza, iyaga oo ku kalsoon geesinimadiisa iyo khibraddiisa.
“Halkan waxaa ku aali jiray suuq weyne cammiran. Daadadkii ayaa wax walba burburiyay. Qoyskayguna waxay waayeen wax walba. Sidaas darteed wixii aan heli karo ku caawin jiray si aan ugu noolaanno,” ayuu yiri. “Micnaha wixii ay ii gartaan Dadka ayaa reerkayga ku kabi jiray nolol maalmeedkooda.”
Xamse weli wuxuu xusuusan yahay qofkii koowaad oo uu kasoo badbaadiyo webiga.
“Wuxuu ahaa 10-11 jir meelahaas. Wan u dabaashay xaggiisa waana qabtay. Aad buu u dhaawacnaa.”
Intii uu shaqadan waday, wuxuu la kulmay dhaawacyo culus oo uu ku jiro dhaawac madaxa ah oo laga tolay 60 qodob. Si kastaba, weligiis kama uusan harin shaqadiisa. Wuxuu sheegay inuu ficilkan u sameeyo ajar Alle iyo inuu qoysaska murugaysan ka caawiyo inay helaan Dadkooda la weysan yahay.
Dad badan ayaa u arka Hamza inuu yahay geesi dhab ah oo aan si rasmi ah loo aqoonsan balse nolosha boqollaal qof saamayn weyn ku yeeshay – maadaama uu naftiisa halis-geliyo si uu u caawiyo dadka kale.
