HomeDunida MuslimkaSonny William: "Tumashada iyo cabista Qamriga kama helin liibaan."

Sonny William: “Tumashada iyo cabista Qamriga kama helin liibaan.”

MUQDISHO (HN) — 10 sanno kaddib markii uu kasoo baxayu mugdiga, Sonny Bill William, oo 34 jir Muslim New Zealander ah, wuxuu weli ogsoon yahay siday noloshiisu ahayd Islaamka kahor.

“Waxaan ku fiicnaa tumashada, cabista qamriga iyo dheelalowga habeenkii,” ayuu yiri. “Laakiin kama aanan helin wax aan ka aheyn walwal iyo murugo.”

Laacibkan dhashay sannadkii 1985-kii, waa xiddig kamid ah xiddigaha ciyaarta rugby-ga ee xulka New Zealand.

“Hadda markaan biyo cabayo waxan iraahdaa alxamdulillah, mana fahmi karo siday noloshaydu noqoneyso Ilaahay la’aantiis. Tallaab walba oo aan qaadayo isagaan u kaashadaa.”

Wuxuu aad uga soo muuqday dhawaanahan markii uu dhacay Xasuuqii lagu laayay tiro Muslimiin ah oo ku cibaadaysanaysay gudaha Masjid ku yaalla New Zealand.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments