Muqdisho (Himilonews) – Kadib ku nagaashaha xukunka dalkiisa Burkina Faso, halkan waxaa idin kugu soo gudbin karnaa guulihii uu ku hoggaamiyay wadankiisa muddadiisii afarta sano.
Thomas Isidore Noël Sankara oo ifka joogay intii u dhaxaysay 21 December sanadkii 1949 ilaa 15 October 1987, wuxuu ahaa horjooge katirsan militariga xoogga dalka Burkinabe, xanbaare mabda’a kacaanka Markiska, midaynta Afrika iyo madax-weynaha dalka Burkina Faso intii u dhaxaysay 1983-1987. Ahaa mid ay taageerayaashu u arkayeen haldoor iyo udub-dhaxaad kacaan, waxaa lagu naanaysi jiray Africa’s Che Guevara.
Diin ahaan, wuxuu kasoo jeeday qoys asalkiisu ahaa Muslim. In kasta oo uusan si waafi ah u muujin heyb-diimeedkiisa, hadana wuxuu mar kasta xigan jiray Qur’anka iyo Bible-ka.
Waa kuwan haddaba guulihii waaweynaa ee uu ku hoggaamiyay dalkiisa;
-
Wuxuu cudurrada Gowracatada, Jadeecada iyo Cagaarshowga ka tallaalay carruur ku dhow 2.5 milyan muddo toddobaadyo ah.
-
Wuxuu bud-dhigay ol’ole qaran oo Jahliga ka dhan ah – isaga oo sare uga qaaday heerka wax aqriska 13% ‘1983’ ilaa 73% 1987.
-
Wuxuu beeray in ka badan 10 malyuun oo geedo ah si looga hortago nabaad-guurka iyo xaalufka deegaanka.
-
Wuxuu dhisay jidad iyo dhabbe-bireedyo tareen isku xiraya dalka oo dhan – la’aanta kaalmada shisheeye.
-
Wuxuu haweenka u magacaabay xilal muhiim ah, wuxuuna ku dhiirri-geliyay inay shaqeystaan. Wuxuuna kamid dhigay xoogga militariga. Haweenka xaamilada ah ayuu u fasaxay nasiino xilliga ay wax-barashada ku jiraan.
-
Wuxuu cirib-tiray Gudniinka Fircooniga FGM, guurka qasabka ah iyo godadlenimada – dadaal uu ku doonayo inuu ku xoojiyo xuquuqda haweenka.
-
Wuxuu xaraashay gawaarida qaaliga ah ee dowladdu ku raaxaysan jirtay. Dhamaan shaqaalaha dowladdana waxay wada qaateen hal baabuur oo isku model ah.
-
Wuxuu hoos u dhigay mushaharka shaqaalaha dowladda, oo kiisu kamid yahay, wuxuuna mamnuucay isticmaalka tikidhada qaaliga ah ee diyaaradda.
-
Wuxuu dib u qeybiyay dhulalka gumeystuhu siiyay kuwii la shaqeyn jiray, isaga oo siiyay muwaadiniinta kale ee dalka la leh. Tani waxay keentay in heerka wax soo saarka Burkina Faso uu muddo saddex sano ah ka kaco 1700 kg halkii hectar noqdana 3800 midkiiba. Waxaana dalku gaaray heer uu isaga filnaado cuntada ay cunaan.
-
Wuxuu iska diiday kaalmada shisheeye, wuxuuna halheys ka dhigtay: “Midka ku quudiya ayaa dantiisa kugu qunsada.”
-
Wuxuu marar dhowr ah oo uu kahor hadlay kal-fadhiga guud ee Midowga Afrika dhaliilay fikradda caqli-gumeysi ee Galbeedku rabaan inay kusii haystaan Afrika. Wuxuuna ugu yeeray xittaa in qaaraddu yeelato hal maamul.
-
Magaalada Ouagadougou, Sankara wuxuu keydka cuntada ee sal-dhigga militariga ka dhigay goob supermarket ah oo qof kasta uu gali karo. Wuxuu shaqaale kasta oo dowladda kamid ah ku qasbay in hal bil mushaharkiisa uu ku bixiyo mashaariicda danta guud.
-
Wuxuu diiday inuu xafiiskiisu ku isticmaalo qaboojiso. Hodantiilayaal dhif ah ayaaa awoodi karay inay kaliya ku socdaan gaari raaxo.
-
Madax-weyne ahaan, wuxuu mushaharkiisa ka dhigay 450$ bil walba. Wuxuuna hantidiisa ku koobay hal baabuur, afar bushkuleeti, gitaar, firinjiyeer iyo kululeyso jaban.
-
Wuxuu shaqaalaha ku xukumay inay xirtaan dhar markii ugu horraysay lagu sameeyey gudaha Burkina Faso. Dharka ayaa laga sameeyey suuf lagu beeray beeraha dalka, waxaana xardhay muwaadiniinta.
-
Mar la weydiiyay sababta uu u diiday in sawirkiisa la suro goobaha dadweynaha, sida madaxda kale ee Afrika, Sankara wuxuu ku war-celiyay; “Waxaa dalkan ku sugan toddobo milyan oo Thomas Sankara ah.”