MUQDISHO (HN) – Shirkad cusub oo laga leeyahay dalka Sweden laguna magacaabo Corvid Cleaning, ayaa samaysay qorshe aan caadi ahayn oo ay Tukaha ku barayso inay waddooyinka ka ururiyaan qashinka, gaar ahaan haraaga sigaarka, iyaga oo abaalmarin ahaan loo siinayo cunto.
Shirkaddan ayaa aaminsan in hindisahan uu magaalooyinka iyo degmooyinka ka badbaadin karo lacago badan oo sannad kasta ku baxa nadaafadda iyo ururinta qashinka.
Sida ay sheegtay hay’adda Keep Sweden Tidy Foundation oo qaabilsan nadaafadda deegaanka, sannad kasta waxaa waddooyinka dalka Sweden lagu daadiyaa in ka badan hal bilyan oo haraaga sigaarka ah. Tiradaasi waxay ka dhigan tahay ku dhowaad 62 boqolkiiba dhammaan qashinka waddooyinka lagu arko.
In dadka laga dhaadhiciyo inaysan haraaga sigaarka waddooyinka ku tuurin waxay ilaa hadda noqotay arrin adag. Hayeeshee, shirkaddan Swedish-ka ah ayaa rumaysan in tukayaasha la bari karo inay dadka ka caawiyaan nadiifinta deegaanka isla markaana ay dowladaha hoose ee degmooyinka ay sannad kasta u badbaadin karaan malaayiin lacagta dalka Sweden ah.
Shirkaddan ayaa tukaha duurjoogta ah ku tababarta hannaan waxbarasho oo tallaabo-tallaabo u socda iyada oo shimbir kasta oo soo ururiya haraaga sigaarka lagu abaalmarinayo cunto.
“Way ka fududahay in la tababaro, waxaana sidoo kale jirta fursad weyn oo ay wax isaga baran karaan dhexdooda, waxaana yar khatarta ah inay si khaldan u cunaan qashinka kale,” ayuu yiri aas’aasaha shirkadda, Christian Günther-Hanssen.
Waxa uu intaas ku daray in tukayaashu yihiin shimbiro duurjoog ah oo hawshan si iskood ah uga qayb-qaadanaya.
In kasta oo aas’aasaha shirkaddu aanu si faahfaahsan u sharraxin dhammaan marxaladaha tababarka, haddana habka la adeegsanayo ayaa la rumaysan yahay inuu lamid yahay nidaam hore loogu tijaabiyey tukaha oo loo yaqaan Crow Box.
Habka tababarku waxa uu ka bilaabmaa in tukaha la baro xiriirka ka dhexeeya haraaga sigaarka iyo cuntada. Marka ay shimbiruhu bartaan in ururinta haraaga sigaarku ay keento cunto, waxaa lasoo bandhigaa qalab siiya cunto marka shimbirtu timaaddo.
Marxaladda xigta, cuntada ayaa laga joojiyaa si shimbiraha loogu dhiirri-geliyo inay baadhaan qalabka. Ugu dambayn, waxay bilaabaan inay afkooda ku taabtaan qaybaha qalabka, ilaa ay ka gaaraan badhan marka la riixo cuntada soo daaya.
Tallaabada ugu dambaysa waa inay ogaadaan in cuntadu soo dhacayso oo keliya marka ay haraaga sigaarka geliyaan weel loogu talagalay in lagu ururiyo qashinka.
In kasta oo habkani u muuqdo mid adag, haddana tukayaashu waxay kamid yihiin shimbiraha ugu garaadka badan dunida, waxaana sannadihii u dambeeyay guulo laga gaaray barnaamijyo kala duwan oo lagu tababarayo inay qabtaan hawlo ay dadku caadi ahaan sameeyaan.
Shirkadda Corvid Cleaning ayaa kalsooni weyn ku qabta in mashruuceedu guulaysan karo, waxaana ay danaynaysaa in tijaabo ballaaran laga sameeyo magaalada Södertälje ee dalka Sweden.
Aas’aasaha shirkadda, Christian Günther-Hanssen, ayaa aaminsan in hindisahani uu degmada ka yareyn karo ugu yaraan 75 boqolkiiba kharashaadka ku baxa ururinta haraaga sigaarka, iyada oo ay ku xiran tahay hadba inta ay tukayaashu shaqada ka qabtaan.
Haddii tijaabadani guulaysato, shirkaddu waxay rajaynaysaa inay soo bandhigto hannaan nadaafadeed oo joogto ah oo laga hirgelin karo magaalooyin kale oo dalka Sweden ah, ugu dambaynna gaari kara guud ahaan dalka.
Hindisahan cusub ayaa dad badan oo isticmaala baraha bulshada ka helay taageero iyo ammaan, balse waxaa sidoo kale jira dad su’aalo ka keenay dhinaca anshaxa iyo badqabka shimbiraha.
Dadka dhaliilaya mashruuca ayaa isweydiinaya sababta ay suurtagal u tahay in tukayaasha la baro inay ururiyaan haraaga sigaarka, halka ay adag tahay in dadka laga dhaadhiciyo inaysan waddooyinka ku tuurin.
Waxaa sidoo kale walaac laga muujiyey caafimaadka tukayaasha, maadaama ay si joogto ah ula macaamilayaan haraaga sigaarka oo ay ku jiraan walxo sun ah oo waxyeello u geysan kara noolaha.
Dhanka kale, waxaa jirta cabsi ah in shimbiruhu muddo kadib la qabsadaan cuntada mashiinnada laga siiyo taas oo ka dhigi karta kuwo ku tiirsanaada nidaamkaas si ay cunto u helaan.
Hindisahan ayaa muujinaya sida garaadka xayawaanka loogu adeegsan karo xal-u-helidda dhibaatooyinka deegaanka, in kasta oo ay weli muhiim tahay in la hubiyo in habkaasi aanu waxyeello u geysanayn caafimaadka iyo xorriyadda shimbiraha.
