HomeWararkaNin u dhashay Japan oo lacago fara badan ka sameeya inuu Dadka...

Nin u dhashay Japan oo lacago fara badan ka sameeya inuu Dadka amaano!

MUQDISHO (HN) – Nin da’ dhexe ah oo u dhashay dalka Japan laguna naanayso Adeerka Ammaanta, wuxuu nolol maalmeedkiisa ku maareeya isaga oo waddooyinka istaaga, dadka aan aqoonina ku ammaana lacag yar oo ay siiyaan.

Ninkan oo 43 jir ah ayaa markii ugu horreysay warbaahinta Japan si weyn uga soo muuqday bishii Sebtembar sannadkii hore markii telefishinka Fuji uu baahiyey barnaamij gaaban oo dukumeenti ah kaas oo looga warramay shaqadiisa aan caadiga ahayn.

Sida wararku sheegayaan, ninkan ayaa hore uga shaqayn jiray shirkad ku taalla deegaankiisa oo lagu magacaabo Tochigi. Hayeeshee, mar kamid ah noloshiisa ayuu si xad-dhaaf ah ugu dhacay khamaarka taas oo ugu dambayn sababtay inuu waayo qoyskiisii iyo shaqadiisii.

Aabbihii ayaa xanuunsaday isaga laftiisuna wuxuu lumiyay shaqadii; waxaana u suura-geli weyday inuu sii bixiyo lacagtii deynta guriga. Xaaladdaas ayaa ugu dambayn sababtay in qoyskiisu xiriirka u jaraan, wuxuuna noqday qof aan haysan meel uu ku noolaado. Waana jeerkaas kolkii uu ku khasbanaaday inuu waddooyinka ku hoydo.

Dhacdadaasi waxay u noqotay baraarug weyn oo ka caawiyey inuu ka gudbo balwaddii khamaarka isla markaana dib-u-qiimeeyo noloshiisa iyo mustaqbalkiisa.

Wuxuu muddo dheer ku taamayay inuu noqdo qof waddooyinka ban-dhigyo ku sameeya, balse ma lahayn xirfado gaar ah sida; indharsarcaadka ama heesaha oo uu dadka kusoo jiito. Ugu dambayn, waxa uu la yimid fikrad aan caadi ahayn: inuu dadka ammaano, dabadeedna lacag ka helo!

“Waxaan is iri; haddii aan dadka ammaano, waxaa yaraanaya dadka dareemaya niyad-jabka,” ayuu ku fikiray ninkan, sida uu qoray wargeyska Asahi Shimbun.

Markaas kaddib, waxa uu bilaabay inuu waddooyinka magaalada Tokyo ku dhex wareego isaga oo sita boor yar oo ay ku qoran tahay: “Aad ayaan kuu ammaanayaa!”

In kasta oo ay dadka qaar ula muuqan karto hab shaqo oo yaab leh, haddana marka si kale loo eego, qof kastaa wuu ku farxaa in la ammaano, mararka qaarkoodna qofku waxa uu u baahan yahay dhiirri-gelin iyo hadal wanaagsan, xitaa haddii uu ka helo qof aanu waligiis hore u arag.

Ninkan ayaa sheegay in sirta shaqadiisu ay tahay inuusan ammaanta ku badin ama ka dhigin mid aan dabiici ahayn. Marka uu qof markii ugu horreysay la kulmo, waxa uu marka hore ku ammaanaa muuqaalkiisa, dabadeedna, isaga oo wada sheekaysi caadi ah la yeelanaya, ayuu ka dhex helaa waxyaabo kale oo uu ku ammaani karo.

“Haddii qofka kale uu ku farxo, aniguna waan farxaa. Taasi waa sababta aan shaqadan u sii waday muddo saddex sano ah,” ayuu yiri.

Wargeyska Asahi Shimbun ayaa dhowaan fursad u helay inuu si toos ah u arko xirfadda ninkan kaddib markii gabar yar ay kula kulantay waddooyinka Tokyo una oggolaatay inuu ammaano.

“Waa qof faraxsan oo firfircoon. Waxay leedahay qalbi weyn; si wanaagsan ayay dadka ula falgashaa, waana qof naxariis badan. Waxay leedahay awood ay dadka kusoo jiidan karto,” ayuu yiri ninkan oo ka hadlayay gabadha uu ammaanta siinayay.

Markii uu muddo ku dhow hal daqiiqo ku ammaanayay, gabadhan ayaa sheegtay in aanay inta badan helin ammaan si toos ah oo sidan oo kale ah loogu sheego. Waxay dabadeed sanduuqiisa lacag ururinta ku ridday 150 yen oo lacagta Japan ah.

In kasta oo uu mararka qaarkood saacado badan waddooyinka taagnaado isaga oo sita boorkiisa, haddana waxaa dhacda in aanu jirin qof u yimaadda si uu adeeggiisa uga faa’iidaysto.

Si kastaba, muddadii saddexda sano ahayd oo uu shaqadan ku jiray, waxa uu yeeshay macaamiil joogto ah oo lasoo xiriira marka ay u baahan yihiin dhiirri-gelin, niyad-dhis ama erayo wanaagsan oo ka caawiya inay dareemaan farxad.

Goortii sheekadiisu ku faaftay baraha bulshada, waxa uu bilaabay inuu safarro shaqo ku tago magaalooyin iyo gobollo kala duwan oo Japan ah.

Ilaa hadda, waxa uu booqday 31 kamid ah 47-ka maamul-goboleed ee dalka Japan, isaga oo dadka ku nool u bandhigaya adeeggiisa gaarka ah ee ammaanta.

Celcelis ahaan, waxa uu maalin kasta ammaanaa in ka badan 30 qof isaga oo shaqadan ka hela dakhli dhan ku dhowaad 10,000 oo yen maalintii oo u dhiganta qiyaastii 65 doollar.

Sheekada ninkan ayaa muujinaysa sida qofku, xitaa marka uu la kulmo dhibaatooyin waaweyn oo noloshiisa burburiya, uu u heli karo waddo cusub oo uu dib ugu bilaabo noloshiisa. Waxa kale oo ay xusuusinaysaa in mararka qaarkood eray wanaagsan iyo dhiirri-gelin yar ay qofka u yeelan karaan qiime ka weyn inta aynu filayno.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments