HomeDunida MuslimkaMuslimiin Xabsi daa'in ku mudanaya lo' la sheegay inay gowraceen!

Muslimiin Xabsi daa’in ku mudanaya lo’ la sheegay inay gowraceen!

MUQDISHO (HN) – Maxkamad ku taalla gobolka Gujarat ayaa saddex nin ku xukuntay xabsi daa’in shaqo adag wehliso markii lagu helay inay lo’ gawraceen isla markaana ay isku dayeen inay hilibkeeda iibiyaan. Maxkamaddu waxay xukunka ku sharraxday muhiimadda diimeed iyo dhaqameed oo lo’du ku leedahay ama ugu fadhiso diinta Hinduuga, iyada oo tixraacday qoraallo diimeed ay kamid yihiin Vedas iyo Manusmriti.

Garsooraha maxkamadda dheeraadka ah oo fadhigeedu yahay Kalol, B. R. Rajput, ayaa sidoo kale mid kasta oo kamid ah saddexda nin ku xukumay ganaax lacageed oo dhan laba lakh oo rupees ah. Ragga la xukumay ayaa lagu kala magacaabaa Wasim Qureshi, Mahmad Rafiq Qureshi iyo Asfaq Bahelim kuwaas oo dhammaantood deggan magaalada Ahmedabad.

Maxkamaddu waxay raggan ku heshay dambiyo la xiriira jebinta sharciga ilaalinta xoolaha gobolka Gujarat, gaar ahaan wax-ka-beddelkiisa, iyo sharciga ka hortagga naxariis-darrada xoolaha, iyo sidoo kale qodobo kale oo sharciyeed oo khuseeya kiiska.

Booliska oo helay 277 kiilogaram oo hilib lo’ ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaashu, kiiskan ayaa dib ugu laabanaya 22-kii Agoosto 2024, markaas oo boolisku howlgal ka sameeyeen guri uu lahaa nin lagu magacaabo Lalabhai Senma kaas oo ku yaalla tuulada Jamla. Howlgalkaas ayaa lagu qabtay 277 kiilogaram oo hilib lo’ ah laguna qiyaasay inuu qiimihiisu ahaa ku dhowaad 55,000 oo rupees.

Boolisku waxay sidoo kale sheegeen inay heleen qalab iyo hub la tuhunsanaa in loo adeegsaday gawraca lo’da iyo gaari la sheegay in lagu daabulayay hilibka. Baarayaasha kiiska ayaa sheegay in eedaysanayaashu ay damacsanaayeen inay hilibka ka iibiyaan nin lagu magacaabo Ghulam Moin Qureshi.

Kiiskan ayaa markii hore waxaa loo xiray lix qof, hayeeshee markii maxkamaddu dhageysatay dacwadda, waxay dembi ku heshay saddex kamid ah eedaysanayaasha.

Maxkamadda oo tixraacday qoraallada diinta Hinduuga

Markii uu xukunka ridayay Garsoore Rajput wuxuu tixraacay qoraallo qadiimi ah oo ku qoran luqadda Sanskrit iyo dhaqamada diimeed ee Hinduuga, si uu u sharraxo sababta lo’da loogu arko xayawaan muhiimad gaar ah ku leh diinta iyo dhaqanka Hinduuga.

Go’aanka maxkamadda ayaa lo’da ku tilmaamay Hooyada Koonka.

Maxkamaddu waxay sheegtay in ragga la xukumay ay lo’ gawraceen isla markaana isku dayeen inay hilibkeeda iibiyaan, in kasta oo ay ka warqabeen muhiimadda diimeed iyo dhaqameed oo xayawaankaasi ku leeyahay bulshada Hinduuga.

Xukunka maxkamadda ayaa lagu sheegay: “Haddii dadka noocan ah oo si naxariis-darro ah u gawraca lo’da aan loo ciqaabin sida sharcigu dhigayo, lo’da loo arko hooyo ayaa waqti kadib dabar-go’i doonta.”

Ugu dambayn, maxkamaddu waxay carrabka ku adkaysay in kiisaska la xiriira gawraca lo’da loo maareeyo si waafaqsan sharciga isla markaana ciqaabta ku habboon la marsiiyo dadka dembiga lagu caddeeyo iyadoo la adeegsanayo caddaymo sharci ah.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments