HomeDunida MuslimkaIndonesia oo noqotay dalkii ugu horreeyay oo dhul ka iibsada magaalada barakeysan...

Indonesia oo noqotay dalkii ugu horreeyay oo dhul ka iibsada magaalada barakeysan ee Maka.

MUQDISHO (HN) – Sanduuqa maal-gelinta qaranka Indonesia ee Danantara ayaa Isniintii ku dhawaaqay inuu dhammaystiray iibsashada dhul cabbirkiisu yahay 4.4 hektar oo ku yaalla magaalada barakeysan ee Maka. Tallaabadan waxay Indonesia ka dhigaysa dalkii ugu horreeyay ee shisheeye oo hanti ma-guurto ah ka iibsada magaalada ugu barakeysan Islaamka, sida lagu sheegay warbixinta.

Iibsashadan ayaa Indonesia usoo dhoweynaysa qorshaheeda dhismaha xarun loogu magac daray “Tuulada Xajka” oo noqon doonta dhisme hoy oo loogu tala-galay xujeyda ka imanaysa Indonesia, oo ah dalka ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan dunida iyo dalal kale.

Danantara ayaa hore u iibsatay hoteelka Novotel Thakher Makkah kaas oo shaqaynaya: lehna 1,461 qol iyo qolal raaxo ah. Iibsashada dhulka ayaa sidoo kale timid markii Sacuudi Carabiya ay oggolaatay in ajaanibku yeeshaan hanti maguurto ah.

Sida ay Danantara sheegtay, dhulka la iibsaday waxaa loo adeegsan doonaa dhismaha xarumo martigelin iyo hoy, goobo ganacsi iyo adeegyo kale oo taageero u ah xujeyda.

Sanduuqa ayaa sidoo kale shirkadda horumarinta dhulka iyo dhismayaasha ee Al-Khomasiah u magacaabay lammaanihiisa maxalliga ah ee fulin doona horumarinta mashruuca.

Danantara ayaa hadda u gudbi doonta daraasadaha lagu qiimeynayo suurta-galnimada mashruuca, helitaanka oggolaanshaha iyo dhammaystirka dukumentiyada shatiyada loo baahan yahay. Hayeeshee, lama shaacin waqtiga rasmiga ah oo la bilaabi doono dhismaha.

“Waxaan diiradda saaraynaa inaan hantidan u maamulno si waafaqsan nidaam maal-gashi oo adag, annaga oo dhiseyna adeegyo isku dhafan oo kor u qaadaya tayada hoyga iyo adeegyada ay heli karaan xujeyda ka imanaysa Indonesia iyo caalamka oo dhan,” ayuu yiri madaxa Danantara, Rosan Roeslani, sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed.

Roeslani ayaa sidoo kale muujiyay in Danantara ay danaynayso inay fursado maalgashi ka raadiso magaalada Madiina, oo ah magaalada labaad ee ugu barakeysan Islaamka iyo iskaashiyo kale oo dhinacyadu ka wada faa’iidaystaan, kuwaas oo aan ku koobnayn dhismaha iyo hantida maguurtada ah.

Madaxa fulinta shirkadda Thakher, Faisal Shaker, ayaa sheegay in Indonesia oo noqotay “dalkii ugu horreeyay ee shisheeye oo hanti ku yeesha Makka ay muujinayso kalsoonida caalamiga ah oo lagu qabo mashruuca Thakher Makkah.

Madaxweynaha Indonesia, Prabowo Subianto, ayaa Danantara u xilsaaray hoggaaminta mashruucan weyn ee balaayiinta doollar ku kacaya kaas oo lagu dhisayo Tuulada Xajka meel u dhow Masjid al-Xaram ee Makka al-Mukarrama.

Sannadkan, Indonesia ayaa qiyaastii 221,000 oo xujey ah u dirtay gudashada waajibaadka Xajka. Xajku waa waajib saaran Muslimiinta awoodda u leh, ugu yaraan hal mar inta ay nool yihiin.

Sugitaanka sannadaha badan ee safarka Xajka ayaa sababay in dadka waayeelka ahi ay qayb weyn ka noqdaan xujeyda Indonesia. Arrintan ayaa sare-u-qaadaysa baahida loo qabo hoy raaxo leh iyo adeegyo u sahlaya xujeyda inay si fudud ku gaaraan Masjidka Xaramka.

Sidoo kale, qiyaastii laba milyan oo qof oo u dhashay Indonesia ayaa sannad kasta u safra gudashada Cumrada, oo ah cibaado ka duwan Xajka lana gudan karo waqtiyo kala duwan oo sannadka ah.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments