HomeDunida MuslimkaJilaaga Hollywood-ka Giancarlo Esposito oo qaatay Diinta Islaamka.

Jilaaga Hollywood-ka Giancarlo Esposito oo qaatay Diinta Islaamka.

MUQDISHO (HN) – Jilaaga caanka ah ee Hollywood-ka, Giancarlo Esposito oo si weyn loogu yaqaan doorkiisii Gustavo “Gus” Fring ee taxanayaasha aadka loo ammaanay ee Breaking Bad iyo taxanihii kasii horreeyay ee Better Call Saul ayaa si rasmi ah u qaatay diinta Islaamka. Warkan waxaa ku dhawaaqay Turki Al-Sheikh oo ah Guddoomiyaha Hey’adda Madadaalada Guud ee Sucuudiga – qoraal uu ku daabacay barta Twitter-ka.

Sida uu sheegay Turki Al-Sheikh, jilaagan 68 jirka ah ayaa ku dhawaaqay Kelmadda Shahaadada intii uu joogay Boqortooyada Sacuudiga. Muuqaal lala socodsiiyay qoraalka Shahaadada ayaa muujinaya Esposito oo salaad la tukanaya xubno katirsan koox filim duubayaal ah gudaha masaajid ku yaalla dalkaas oo muujinaya waqti ruuxi ah oo muhiim u ahaa intii uu halkaas joogay.

Esposito wuxuu hadda ku sugan yahay Sucuudiga isaga oo duubaya filimka 7 Dogs, oo ah mid weyn oo dagaal iyo ficil ah kaas oo ay taageerayso dowladda Sacuudiga iyada oo qeyb ka ah dadaalladeeda lagu horumarinayo warshadaha madadaalada.

Soo saarista filimkan waxay ka tarjumaysaa istaraatiijiyadda ballaaran ee Sacuudiga ee lagu kala duwayo dhaqaalaha dalka si uusan ugu tiirsanaan saliidda oo kaliya isla markaana uu isugu muujinayo inuu yahay xarun caalami ah oo filimada iyo dhaqanka hormuud u ah. Sannadihii u dambeeyay Sucuudiga ayaa soo jiitay mashruucyo badan oo caalami ah oo kor u qaaday sumcaddiisa iyo qeybaha kala duwan ee hal-abuurka.

Muddo ka badan afartan sano oo uu ku jiray mihnadda jilitaanka, Esposito wuxuu dhistay sumcad ah inuu yahay mid kamid ah jilayaasha ugu xirfadda badan lagana qaddariyo Hollywood-ka. Doorkiisii Gus Fring ayaa u horseeday ammaan weyn iyo taageerayaal badan. Waxa uu sidoo kale kasoo muuqday wax-soo-saaryo waaweyn sida; The Mandalorian, The Boys iyo Do the Right Thing.

Tallaabadan shakhsiyadeed oo muhiimka ah waxay kusoo beegmaysaa xilli uu Esposito sii wado qaadashada doorar adag oo jilitaan ah uuna la kulmayo dhaqammo iyo waayo-aragnimo cusub oo dibadda ah.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments