HomeDunida MuslimkaSida Cod-baahiyeyaasha Masaajiddu Qeyb uga yihiin Badbaadinta Nolosha Dadka Xilliyada Dhulgariirrada!

Sida Cod-baahiyeyaasha Masaajiddu Qeyb uga yihiin Badbaadinta Nolosha Dadka Xilliyada Dhulgariirrada!

MUQDISHO (HN) – Dalalka Indonesia iyo Japan ayaa iska kaashanaya samaynta nidaam digniin hore oo dhulgariirrada ah kaas oo loo adeegsanayo codbaahiyeyaasha masaajidda si bulshada loogu wargeliyo kahor inta uusan dhulgariirku dhicin ama uusan soo gaarin.

Tijaabadan oo soconaysa muddo shan sano ah waxaa lagu qiimaynayaa in codbaahiyeyaasha loo isticmaalo baaqa – aadaanka – salaadda ay sidoo kale u gudbin karaan digniino degdeg ah dadka ku nool deegaannada fogfog oo ay adag tahay in si dhaqso ah loo gaaro. Dr. Inoue Hiroshi oo katirsan Jaamacadda Kyoto ee dalka Japan – ahna hoggaamiyaha mashruucan – ayaa yiri: “Bulsho kasta waxay leedahay masaajid.”

Fikraddan ayaa dhalatay ku dhowaad 20 sano kahor, markii Dr. Inoue uu baaritaan ku samaynayay dhulgariirradii khasaaraha badnaa ee ka dhacay jasiiradda Sumatra ee dalka Indonesia. Mar uu ka hadlayay dhulgariirkii dhacay galbeedka Sumatra sannadkii 2009-kii oo ay ku dhinteen ugu yaraan 1,000 qof, wuxuu sheegay inuu isweydiiyay in dad badan la badbaadin kari lahaa haddii digniin horu-dhac ah la siin lahaa kahor inta uusan dhulgariirku dhicin.

Indonesia waxaa ku yaalla boqollaal kun oo masaajid kuwaas oo cod-baahiyeyaashooda si joogto ah loogu adeegsado shanta salaad maalin walba loona dayactiro. Cilmi-baarayaashu waxay aaminsan yihiin in shabakaddan ballaaran ay faa’iido weyn leedahay, maadaama nidaamyada ku tiirsan taleefannada gacanta ay fashilmi karaan marka dhulgariirku waxyeelleeyo isgaarsiinta.

Andi Eka Sakya, oo ah cilmi-baare sare oo katirsan Hay’adda Qaranka Indonesia ee Cilmi-baarista iyo Hal-abuurka – ahna madaxa kooxda cilmi-baarista ee Indonesia – wuxuu mashruucan ku tilmaamay sameyn kara horumar weyn oo dhinaca badbaadinta nolosha ah. Si kastaba, nidaamku weli wuxuu ku jiraa marxaladda tijaabada, mana u diyaarsana inuu digniino siiyo bulshada guud ahaan.

Cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in waqtiga digniintu uu aad u kooban yahay, sababta oo ah hirarka dhulgariirku waxay ku socdaan xawaare aad u sarreeya. Sida uu sheegay Sakya, tuulo u jirta 50 kiiloomitir halka dhulgariirku ka bilowday waxay heli kartaa oo keliya shan ilaa toban ilbiriqsi oo ay isku diyaariso. Taasi waxay ka dhigan tahay in digniin degdeg ah ay dadka siin karto fursad ay kaga badbaadaan khatarta.

Cilmi-baarayaashu waxay sidoo kale daraasad ku samaynayaan sida dadka Indonesia iyo Japan ay uga falceliyaan dhulgariirrada. Dalka Japan, dadka waxaa inta badan lagula taliyaa inay foorarsadaan oo ay gabaad ka dhigtaan miis adag ama meel ammaan ah, halka deegaanno kamid ah Indonesia dadka qaarkood ay ka badbaadeen dhulgariirro iyaga oo si degdeg ah uga baxsanaya dhismayaal halis ugu jira inay dumaan.

Sidaas darteed, kooxda cilmi-baaristu waxay samaynaysaa tijaabooyin iyo jilitaanno si loo helo talooyin badbaado oo ku habboon dhismayaasha iyo xaaladaha deegaanka. Nidaamyo lamid ah ayaa sidoo kale laga baarayaa dalal kale, sida Uzbekistan, halkaas oo qalab digniin ah lagu rakibay 272 masaajid si bulshada looga digo fatahaadaha, daadadka dhoobada wata, dhul-go’a iyo barafka kasoo dhaca buuraha.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments