MUQDISHO (HN) — Weligaa ma maqashay dagaalyahannada lagu magacaabo Samurai oo seefahooda u adeegsada la dagaallanka qashinka waddooyinka yaalla?!
Dalka Jabaan waxaa ka jira koox bandhig-faneed oo lagu magacaabo Gomi Hiroi Samurai oo Af-Soomaali ahaan loo macnayn karo “Samurai-ga Qashinka Ururiya”.
Kooxdan ayaa waddooyinka ku dhex mara iyaga oo xiran dharka dhaqanka dagaalyahannadii Samurai-ga, gacmahana ku sita seefo dhaqameed loo yaqaan Katana iyo qalab ay qashinka kusoo qaadaan.
Waxa yaabka leh ayaa ah in raggan ay qashinka waddooyinka yaalla u beddelaan bandhig xiiso leh iyaga oo dadka madadaalinaya isla markaana ka qayb-qaadanaya nadaafadda deegaanka.
WAA KUMA SAMURAI-GAN CASRIGA AH?
Samurai-gan casriga ah waxay katirsan yihiin koox bandhig-faneed oo lagu magacaabo Issei Ichidai Jidaigumi oo asal ahaan kasoo bilaabatay magaalada Kyoto ee dalka Jabaan. Kooxdu markii dambe waxay laamo ka furtay magaalooyin kale oo dalkooda katirsan.
Xubnaha kooxdu waxay xirtaan dhar aad ugu eg kuwii ay hore u xiran jireen dagaalyahannadii Samurai-ga, in kasta oo ay mararka qaarkood muuqaalkooda ku daraan koofiyado casri ah iyo kabo maanta la isticmaalo.
Waxay ku caan yihiin bandhigyo ay ku jiraan heeso, cayaaro iyo muuqaallo seefaha lagu isticmaalo oo dhammaantood ku salaysan dhaqanka iyo taariikhda Samurai-ga.
Hayeeshee, sannadihii u dambeeyay, laanta kooxda ee magaalada Tokyo ayaa si gaar ah warbaahinta dalka Jabaan ugu soo jiidatay hawl ay dadka qaar ula muuqan karto mid aan caadi ahayn: inay qashinka waddooyinka u ururiyaan sidii iyaga oo dagaal kula jira cadow khatar ah!
Waxay howl maalmeed fudud oo ah qashin ururinta u beddeleen bandhig dadku xiiseeyaan oo ay diyaar u yihiin inay daawashadiisa lacag ku bixiyaan.
SIDEE AYAY QASHINKA ULA DAGAALLAMAAN?
Marka xubnaha kooxdani ay waddooyinka marayaan oo ay arkaan warqad, caag ama qashin kale oo dhulka yaalla, si caadi ah uma soo qaadaan. Taas beddelkeeda, waxay marka hore qaataan muuqaallo dagaal oo cajiib ah, iyaga oo seefahooda iyo qalabka qashinka lagu qabto u adeegsanaya sidii hub ay cadow kula dagaallamayaan.
Waxay ku dhawaaqaan erayo xamaasad leh, sida: “Yaa falkaas sameeyay?” ama: “Waa in la ciqaabaa dadka aan anshaxa lahayn!”
Markaas ayay qaataan mowqif dagaal iyaga oo u dhaqmaya sidii inay wajahaan cadow halis ah. Laakiin cadowgoodu ma ahan qof ama koox kale. Waa qashinka yaalla waddooyinka!
Markay qashinka soo qabtaanna, waxay u dabaaldegaan sidii inay dagaal weyn ku guuleysteen.
In kasta oo bandhiggoodu u muuqdo mid dagaal badan, haddana kooxdu dadka waxba uma geysanayso. Mid kamid ah hal-ku-dhigyadooda ayaa ah: “Fal-xumada necebow, ha nicin qofka falka sameeyay.”
Taas macnaheedu waa in la cambaareeyo falka khaldan, balse aan qofka falka sameeyay loo qaadan cadow aan waxba laga qaban karin.
Riwaayadeynta iyo buunbuuninta falalkooda ayaa qayb weyn ka ah bandhigga ay dadka u sameeyaan.
MAXAY U DOORTEEN INAY QASHINKA URURIYAAN?
Dalka Jabaan waxaa guud ahaan lagu yaqaannaa nadaafadda waddooyinka iyo nidaamka bulshada, laakiin taasi macnaheedu ma ahan in qashinku uu dhibaato qarsoon yahay siiba xilliyada xafladaha waaweyn iyo munaasabadaha oo dad badani isugu yimaadaan meel kaliya, waxaa kordhi kara qashinka lagu daadiyo waddooyinka iyo goobaha dadweynaha.
Halyeeyadan waxay go’aansadeen inay qayb ka noqdaan xallinta dhibaatadan iyaga oo isku daraya laba arrimood oo muhiim ah: ilaalinta nadaafadda iyo madadaalinta bulshada.
Waxay waddooyinka ku dhex socdaan iyaga oo xiran dharka dhaqanka Samurai-ga, dhabarkana ku sita dambiilo loogu tala-galay qashinka. Gacmahoodana waxaa ku jira seefo dhaqameed iyo qalab gaar ah oo qashinka lagu soo qaado.
Markay arkaan qashin, waxay bilaabaan bandhiggooda iyaga oo ku dhawaaqaya erayo dagaal, qaadanayana muuqaallo geesinimo leh. Dabadeed, qashinkii ayay soo qaadaan oo ku ridaan dambiishooda.
Sidaas ayay howl nadaafadeed ugu beddelaan dhacdo xiiso leh oo dadka soo jiidata.
DADKU SIDEE AYAY ULA DHAQMAAN?
Halyeeyada Samurai ayaa si weyn usoo jiita dareenka dadka waddooyinka maraya.
Qaar badan ayaa istaaga si ay sawirro uga qaataan, halka kuwo kalena ay muuqaallo ka duubaan bandhigyadooda ay qashinka kula dagaallamayaan.
Arrintani waxay kooxda u suurta-gelisay inay bulshada gaarsiiyaan farriin muhiim ah iyaga oo adeegsanaya hab ka duwan wacyi-gelinta caadiga ah.
Halkii ay dadka khudbado dheer uga jeedin lahaayeen nadaafadda, waxay ficilkooda ku tusayaan in qashinka la ururiyo ay noqon karto hawl xiiso leh oo qof walba ka qayb qaadan karo.
Waxay sidoo kale tusaale u yihiin sida dhaqanka taariikhiga ah loogu adeegsan karo xallinta dhibaatooyinka casriga ah.
MAXAA LAGA BARAN KARAA HAL-ABUURKAN?
Sheekada Halyeeyada Samurai waxay ina baraysaa in nadaafaddu aysan ku koobnayn oo keliya shaqaalaha nadaafadda ama hay’adaha dowladda.
Qof kasta oo bulshada katirsan wuxuu door ka qaadan karaa ilaalinta deegaanka.
Waxa kale oo ay muujinaysaa in marka hawl muhiim ah loo soo bandhigo hab hal-abuur leh oo dadka soo jiita ay suurtagal tahay in la helo taageero iyo ka qaybgal ballaaran.
Bal ka fikir haddii magaalooyinka Soomaaliya, sida Muqdisho, Hargeysa iyo Kismaayo, laga hirgelin lahaa barnaamijyo kan lamid ah kuwaas oo nadaafadda lagu xoojinayo bandhigyo, tartanno iyo ololeyaal dhalinyaradu ka qayb-qaataan.
Waxaa maangal ah in hababka noocaas ahi ay bulshada ku dhiirri-geliyaan inay qashinka meelaha loogu tala-galay ku ridaan isla markaana ay ka shaqeeyaan bilicda magaalooyinkooda.




