HomeDeegaankeennaSeabin - Qashin-Qubaha sabeeya ee badaha kasoo saaraya walxaha halista!

Seabin – Qashin-Qubaha sabeeya ee badaha kasoo saaraya walxaha halista!

MUQDISHO (HN) – Laba nin oo u dhashay dalka Australia kuna xeel dheer dabaasha hirarka badda, ayaa la yimid hal-abuur cusub oo wax weyn ka tari kara nadiifinta badaha wasakhaysan. Labadan nin ayaa naqshadeeyay qalab si otomaatig ah u shaqeeya kaas oo nuugi kara qashinka dul sabbaynaya biyaha dushooda.

Qalabkan ayaa awood u leh inuu ururiyo qashimada kala duwan sida; dhalooyinka caagga ah, waraaqaha, saliidaha, shidaalka, saabuunta dareeraha ah iyo walxaha kale oo wasakheeya biyaha.

Hal-abuurradan waxaa lagu kala magacaabaa Andrew Turton iyo Pete Ceglinski. Waxay sheegeen inay carruurnimadoodii inta badan kusoo qaateen agagaarka badda isla markaana ay aad uga xumaayeen qashinka sii kordhaya oo ay maalin walba ku arkayeen biyaha dhexdiisa.

Taas waxay ku dhalisay inay shaqooyinkoodii hore ka tagaan, si ay waqti iyo dadaal ugu bixiyaan samaynta qalab wax ka qaban kara dhibaatadan.

Waxay fikraddooda tijaabada koowaad ku sameeyeen magaalada Perth ee dalka Australia iyaga oo taageero ka helay maalgeliyeyaal bilow ah oo katirsan shirkadda Shark Mitigation Systems.

Markii qalabkan oo loo bixiyay Seabin uu diyaar noqday, waxay geeyeen magaalada Mallorca ee dalka Spain oo caan ku ah dekedaha iyo goobaha ay maraakiibta raaxadu ku xirtaan.

Intaas kaddib, waxay bilaabeen ol’ole dhaqaale-ururin dadweyne si ay u helaan lacag ay ku bilaabaan soo saarista qalabkan oo tiro badan.

Fikraddooda ayaa si weyn loo soo dhaweeyay. Waxayna durba ururiyeen lacag ka badan 70,000 oo doollar, halka muuqaalkii xayeysiinta qalabkan uu internet-ka ka helay in ka badan 10 milyan oo daawasho.

Seabin waa weel u samaysan qaab dhululubo ah oo laga sameeyay agab dib loo warshadeeyay. Waxaa lagu xiraa meelaha ay doomaha iyo maraakiibtu kaga soo xirtaan dekedaha.

Qalabkan waxaa ku xiran matoor biyo nuuge ah oo isticmaalaya koronto laga helo dhulka.

Seabin wuxuu biyaha dhex sabbeeyaa isaga oo afkiisa sare uu la siman yahay oogada biyaha. Matoorka ayaa abuuraya qulqul biyo ah oo qashinka dul sabbaynaya usoo jiida gudaha weelka.

Qashinka la nuugo waxaa lagu ururiyaa bac ka samaysan fiilooyin dabiici ah, halka biyaha la sifeeyay dib loogu celiyo badda.

Sidaas awgeed, qalabku wuxuu ka caawinayaa dekedaha inay ka takhalusaan qashinka dul sabbaynaya biyaha isaga oo aan u baahnayn shaqaale mar kasta gacanta ku ururiya.

Richard Talmage, oo afhayeen u ah mashruuca Seabin, ayaa sheegay in habka qalabkani u shaqeeyo uu lamid yahay habka shaandhada barkadaha dabaasha looga ururiyo wasakhda dul sabbaynaysa.

Si kastaba, wuxuu xusay in Seabin loo qaabeeyay cabbir iyo awood ku habboon in lagu nadiifiyo goobo gaar ah oo katirsan dekedaha iyo meelaha maraakiibtu ku xirtaan.

SIDEE AYUU U ILAALIN KARAA NOOLAHA BADDA?

Andrew Turton iyo Pete Ceglinski waxay rajaynayaan in hal-abuurkoodu uu ka hortagi doono in walxaha sunta ah iyo qashinka kale ay usii gudbaan xeebaha iyo dekedaha una gudbaan badweynta moolalka dheer.

Qashinka caagga ah, saliidaha iyo walxaha kale ee wasakhaysan waxay halis ku yihiin kalluunka iyo noolaha kale ee badda ku nool.

Pete Ceglinski ayaa sheegay in carruurnimadiisii uu inta badan ku qaatay biyaha dhexdooda isla markaana aysan jirin wax ka xun in qofku badda dhex joogo isaga oo dhinac kasta ka arkaya qashinka kala jaad ah.

Wuxuu tilmaamay in mashruuca Seabin uu qayb ka qaadanayo sidii loo abuuri lahaa nolol ka wanaagsan tan hadda jirta, loona ilaalin lahaa dadka iyo dhammaan noolaha kale.

Himiladoodu ma aha oo keliya inay qashinka ururiyaan, balse sidoo kale waa inay ka qayb qaataan ilaalinta deegaanka si jiilasha mustaqbalka ay u helaan bad nadiif ah.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments