HomeDunida MuslimkaImam Masjid oo lagu qasbay inuu Sanamyada Diinta Hinduuga amaano!

Imam Masjid oo lagu qasbay inuu Sanamyada Diinta Hinduuga amaano!

MUQDISHO (HN) – Dhacdo murugo leh oo ka dhacday degmada Jalgaon ee gobolka Maharashtra ayaa la sheegay in imaam Muslim ah ay hareereeyeen koox rag ah kuna qasbeen inuu ku dhawaaqo “Jai Shri Ram.” Arrintan ayaa dhalisay caro badan waxayna keentay in booliisku fara-geliyo kadib cabashooyin ay gudbiyeen hoggaamiyeyaal katirsan Golaha Muslimiinta Hindiya AIMIM.

Hafiz Qasam oo deggan tuulada Marul Yawal wuxuu tagay tuulada deriska ah ee Parola si uu salaadda u tukiyo. Markii uu soo laabanayay waxaa la sheegay inay joojiyeen afar ama shan qof kuwaas oo ku qasbay inuu ku dhawaaqo halku-dhegyada diimeed ee Hinduuga. Kooxdu waxay duubtay muuqaalka waxayna si ballaaran ugu faafiyeen baraha bulshada.

Afhayeenka qaran ee AIMIM, Waris Pathan ayaa si adag u cambaareeyay dhacdada. Wuxuuna arrinta gaarsiiyay saraakiisha sare ee booliiska isaga oo ku adkeeyay inay tallaabo degdeg ah qaadaan. Fara-gelintooda kadib, waxaa la diiwaan-geliyay FIR (dacwad booliis) oo ka dhan ah dadka lagu eedeeyay falka.

Muuqaal kale ayaa markii dambe soo baxay kaas oo mid kamid ah eedeysanayaasha uu ku raali-gelinayo Muslimiinta isaga oo sheegay inuu ka xun yahay dhaawaca dareenkooda. Muuqaalkan ayaa la sheegay inuu soo baxay kadib caro dadweyne iyo dacwadda booliiska oo socotay.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments