Wixii aan ku arkay Xeryaha Qaxootiga.

DHADHAAB (HN) — Gabagabada warbixintayda, waxaan hubaa inaad su’aal ka keeni doontid magaca xeryaha qaxootiga. Waayo muuqaalka aan kuu sawiri doono iyo magaca loogu yeero aad bay xaqiiqdii isku weydaaran yihiin.

Fiid danbe oo caweysku bilow yahay ayaan nimid Dhadhaab innaga oo saaran gaari aan kasoo raacnay Garissa. Intii aan soo haynay jidka boorka iyo kadankoodka badan, waxaa ii sawirnaa humaag aad xiriir qoto dheer ula leh xerooyinka qaxootiga. Goob lagu diihaalsan yahay; taas oo guryo aan qaabeysneyn oo cooshado iyo baakado ka sameysan iyo musqulo jajaban oo uskag la il-daran ay ku yaalliin ayaa ahayd intii caqligaygu sawiri karay. Xaqiiqdii sawir walba oo lala xiriiriyo qaxootiga iyo barakacayaasha aan meelo badan dalka kamid ah ku arkay ayaa ka fishay si lamid ah inaan ugu tago xeryaha qaxootiga. Balse waan ku qaldanaa middaas.

Durba markii aan nimid guriga wiilkii aan martida u ahaa habeenkaas, waxaan aad uga yaabay qaabka qurxoon oo gurigoodu u dhisan yahay. Waa xaasle afadiisa, hooyadiis iyo qaraabo kale ay si farxad leh wadajir ugu nool yihiin boos ku dhawaad 200 oo mitir oo wareeg ah ka badan kaas oo ay ku dhex yaaliin shan qol, jikooyin, ardaa weyn oo lagu nasto iyo geedo har leh oo la hoos jiifto. Daalkii adkaa oo maalinkaa iga soo gaaray safarkaygii ilaa Nairobi kasoo bilowday, wuxuu durba igu qasbay inaan dhinaca dhulka la helo.

Waagu markii uu cadaaday waxaan aad ugu kuurgalay wax badan inay indhahaygu ka qabtaan Dhadhaab, Ifo iyo Xagardheere oo ah saddexda xeryood oo qaxootiga Somaalida u badan ay usoo hayaameen taniyo markii ay dhacday dowladdii Kacaanka ee MSBarre.

Gaari ayaa, si kastaba, wuxuu soo istaagayaa duleedka danbe ee guriga si aan ugu tagno Xagardheer oo boorsooyinka iga yiil aan ka doonayo. Waa taksi dhawaan un lagu shaqa-bilaabay. Wuxuu kamid yahay boqollaal kale oo xeryaha isku dhinac dhaafa iyaga oo rakaab iyo rar u kala sida. Da’yarka wadaya gaariga ayaa sheeko dheer kaddib wuxuu is-dultaagayaa nuuca gaariga uu iibsaday iyo sida uu kaga wacan yahay kuwo badan oo horay loogu arki jiray xeryaha. Halkaas waxaa iiga baxay in gawaarida halkan laga adeegsado ay isku jiraan dan iyo xarago. In badan oo isaga kamid ahna ay doorbidaan inay modalkii ugu danbeeyey ku dhex mushaaxaan xeryaha.

Saddexda xeryood waxay isku jiraan masaafo aan ka badneyn 20 km. Waxaana aalaaba loogu kala gooshaa baabuurta yaryar kuwaas oo khidmad dhan 1,000ksh lagu ijaarto.

Waxaa mara jidad aad u adag oo sida in lagu kaawiyadeeyey shub, aan waxba ka baryeyn laamiyada. Gudaha xerooyinka, siiba Dhadhaab oo aan ku negaaday saacado dhowr ah – habeen-baryidaydii kasokow, waxaa ku yaala xarumo waaweyn oo dowli ah oo isugu jira shirkadaha korontada, biyaha, adeegga war-isgaarsiinta, iyo dabcan dab-damiska. Waxaa kale oo ka dhinac taagan hey’ado aan dowli ahayn kuwaas oo shaqada ugu badan halkan iyaga u xil-saaran.

Kumana koobna adeegyada looga fadhiyo bixintooda soo dhaweynta qaxootiga dhawaan-galka ah, diiwaan-gelintooda iyo siinta kaalmooyinka ay halhaleelka ugu baahan yihiin. Waxaa kale oo sida caadiga ahba ay door weyn ku yeesheen is-beddelka weji ahaaneed ee halkan ku dhacay. Sababta oo ah helidda wax-barasho free ah oo ilaa dugsi sare ku siman oo loo fidiyo qaxootiga iyo deeqaha kale ee  isugu jira wax-barashada iyo dhoofka oo sannad walba boqollaal qaxooti ah loogu kala diri jiray waddamada Yurub, Maraykanka iyo Australia ayaa sidoo kale abuurtay fursado nololeed badan oo ay ku naaloodaan dadka yimaada. Jaamacaha waaweyn oo waddanka, sida Jommo Kenyatta ayaa sidoo kale faracyo ku leh xeryaha taas oo muujinaysa sida xagga wax-barashada looga horumarayo.

Is-beddelka degaaneed ee halka ka jira kuma dhalan si fudud iyo lama filaan. Waxay ku qaadatay sannado badan in ugu danbeyntii loo aqoonsado xerada qaxootiga ee ugu weyn caalamka. Balse wax badan lagama sheegin sirta nololeed ee ka jirta dhexdeeda iyo habka dhaqan-dhaqaale oo dadka ku nool ay kaga horumareen bulshooyinka qaar ee ku nool magaalooyinka.

Ganacsiga ayaa sidoo kale ah aas-aaska ay xeryuhu ku dhisan yihiin. Waxaa ka jira ganacsi u furan xuduudda labada dal kaas oo ay ganacsatadu ka sameeyaan lacag adag. Mana ahan Somaalida oo kaliya kuwa helay fursaddaas. In kale, sida madowga Kenyaanka ah, ayaa halkan ay u tahay kob laga sameysan karo raasamaal dhaxalgal ah iyo nolol fadhisa.

Tirada nus malyuunka ka badan ee Xeryaha ugu yeera guryahooda, waxay wajahaan xaalado adag oo dhinaca amniga ah, siiba markii al-Shabaab ay gudaha Kenya ka fulisay dhowr weerar oo lala eegtay shacab iyo ciidan intaba. Sidaas darteed, waa iska caadi cabsida iyo qafaalka mararka qaar lagula kaco dadka degaanka oo inta habeenkii loo soo dhaco lagala baxo aqalladooda – dibna aan loo arag.

Balse sidaas oo ay tahay, haddana, maalin walba waxaa dhankeeda usoo gedooma Somaali kasoo yaacaysa gudaha dalka iyo in kale oo ka daalay kusii noolaanshiyaheeda oo dib ugu laabanaysa waddankii hooyo. Halka qaar kale ay rejadoodu tahay inay kaba dhoofaan oo ciidda Yurub ay nolol iyo mustaqbal ka helaan.

Dhismayaasha dhagaxa u badan ee halkan kasii taagmaya iyo fursadaha aan nusqaameyn ee gudaheeda uga abuuran Somaalida kuwaas oo sida iska cad la’aantood aysan xeryaha qaxootiga sii jiri doonin, waxay xaqiiqdii ku siinaysaa farriimo isugu jira yididiilo iyo cabsi aan kaliya halka ay ku nool yihiin ka taagneyn, balse ku saabsan sida uu mustaqbalkooda ku danbeyn doono.

Umad wax qabsan karta inay tahay Somaalidu oo musiibadii ku dhacday magacyo xun ay ku reebtay ayaa ah yididiilada ugu weyn oo lagu arki karo xeryaha qaxootiga. Waxaase su’aal ka taagan tahay: in intee la’eg ayay bulshadeennu dhibane dheeftiisa lagu yaboohsado usii ahaan doonaan hey’adaha deeqda bixiya iyo dabcan dalka deeqdaas ka macaashaya ee Kenya?!

Jawaabta su’aashaas heliddeeda kasokow, waxaa kale oo muhiim ah in damaanad loo helo xaqa iyo xurriyadda nolosha qaxootiga Somaaliyeed ee mararka qaar dhibanayaal u noqda loolanka ka dhaxeeya al-Shabaab iyo Kenya.

Qore: Zaki Hiraale.

Kala xiriir: Hiraal86@gmail.com.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!