crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ubax – haddii aad baahatid aad cuni karto – oo lagu soo saaray! | HimiloNetwork

Ubax – haddii aad baahatid aad cuni karto – oo lagu soo saaray!

MUQDISHO (HN) – Ubaxa hoo – marka aad baahatidna cun – waayo waa hadyad aan kaliya indhaha iyo taabashada ku qurxooneyn, balse aad sidoo kale cuni kartid. Taas waa marka loo fiiriyo hal-abuurka cusub ee Macey Nemer oo keek ka sameysan rucubyo ubax ah sameysa.

Gabadhan ku nool Sydney dalka Australia waxay noqotay qofkii ugu horreeyey dunida macmacaanka oo soo saarta keek laga sameeyey midabyada kala duwan ee ubaxyada. Marka koowaad oo aad aragtid waxaad kaliya u qaadanaysa in loogu tala-galay in la is guddoonsiiyo! Balse xaqiiqdu waxay tahay inaanay kaliya qalbiga taabaneyn aragtidooda hayeeshe ay caloosha kuu bixin karaan – waase haddii aad kamid tahay kuwo macaanka ku daran.

“Xilligii Covid-19 oo aan guri joogga ahaa ayaa ka fikiray inaan aragti kale oo hal-abuur kala dhex bixi karo ubaxyada la isku hadyeeyo; waxaana iisoo baxday inaan dadka uga dhigi karo isla ubaxa cunta ay jecleystaan inay cunaan,” ayay tiri.

Shan sannadood oo ay hadba u fikiraysay sida ugu ilqabadsan uguna toolmoon oo ay isugu ekeysiin karto keeka ubaxa eg iyo ubaxa laftiisa, hadda wax soo saarkeeda waa mid ku yaab iyo xiiso gelinaya. Hadda waxay shirkadaha bixiya adeegyada aroosyada iyo wixii la halmaala kala shaqeysaa u diyaarinta ubaxyo qurxoon oo keekag ah.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!