crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Test2 | HimiloNetwork | Page 215

Test2

Farriimaha Jaceylka

Fariimaha Jaceylka: Waxaan gartay in la jirkaadu uu in badan farxad ii horseeday. Haddii aad i weydiiso waa maxay Jaceyl? Waxaan kuugu jawaabaya; Jaceylku waa inaad ka fikirto qof in ka badan inta aad naftaada ka fikirto. Adiga ayaana had iyo jeer kugu fikiraa. Noloshu aad bay iigu macaan badan tahay. La joogaadu wuxuu igu dalxiisiyaa goob jaceyl loo yaqaan.  ...

Read More »

Fariimaha Jaceylka

Fariimo Jaceyl Waxaad iga dhigtay sidii iigu ficneyd tan iyo fil-yaraantaydii. Kuma yeelsiin karo inaad i jeclaato; ama aad i rabooto; waxaan kaliya rajeyn karaa inaan maalin un ku hanan doono. Marka aan ku dheehdo, waxaan ogaadaa in jaceylka dhabta ah uu yahay kolka qofka aad dhiggaada u sheego inaad jeceshahay xirashada dhar kala midabeysan–dabadeedna aad maalin kasta iisoo xiraneyso. ...

Read More »

Wuxuu igu qasbay inuu walaalkiis ii galmoodo!!

Hindiya (Himilonews) – Rukhsana waxaa indhaheeda kasoo qubta ilmo markasta oo ay dib-u-gocato habeenkii seygeeda uu ku qasbay inay la jiifsato—si uu ugu galmoodo—walaalkiis isaga ka weyn. Ka fala-qeynta Jiinbaar dusheed ee xaafadda Ramnagar oo ku taalla gobolka West Bengel ee bariga Hindiya, gabadha ah 18-jir qayirantay—waxay hugan tahay Sari—iyada oo u muuqata qof da’deeda ka fil-weyn. Rukhsana waa mid ...

Read More »

Muslim loo dilay cunista hilib Lo’aad

New Delhi (Himilonews) – 50-jir Muslim ah ayaa lagu dhangadeeyey ku-tiri-ku-teen tibaaxaysay inuu cunay hilibka Lo’da oo laga manmuucay—sababo caqiido awgeed—gudaha dalka Hinduuga u badan ee Hindiya ilaa uu ka dhinto. “Mohamed Akhlaq waxaa lagala soo baxay gurigiisa oo ku yaalla duleedka New Delhi waxaana soo weeraray dad gaaraya boqollaal habeenkii Isniinta,” sarkaal bileyska ka tirsan ayaa u sheegay AFP. ...

Read More »

5-ta goobood ee loogu booqashada badan yahay

Muqdisho – Taalladu waa nooc kamid ah dhismayaasha dunida  ee loo dhiso xusuus qofeed ama  dhacdo muhiim ah oo mudan in lagu baraarugsanaado falka ay taariikh ahaan ugu fadhido bulshadaas oo ku saleysnaan karta mid dhaqameed, caqiidadeed, taariikheed iyo wixii lamid ah. Qof kasta wuu og yahay goobaha ugu caansan dunida ee raad-raaca ku foorara. Mid kasta oo goobahaas kamid ...

Read More »

10-kii Diyaaradood ee sida yaabka leh loo waayay!!

Iyada oo dhacdo kasta ay la timaado marmarsiiyo, hadana waxaa wali jira dhacdooyin aan xalkooda laga sal-gaarin jeer iyo maanta tiiyoo aragtiyo badan lasoo bandhigo. Maqnaanshaha diyaaradeed ama in la waayo  waa jaad kamid ah dhacdooyinka aan xalkooda laga sal-gaarin.  Habada, http://himilonetwork.com://himilonetwork.com, waxay idin soo gudbinaysaa 10-kii diyaaradood oo mar kaliya hawada laga waayay; iyo wixii ay geysteen dhimasho iyo ...

Read More »

Mugabe oo ceebeeyey Ragga is-fuula

Muqdisho, Soomaaliya (Himilonews) – Madax-weynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa ceebeeyey isku dayga ay wadaan dalalka reer Galbeedka ah oo ay ku doonayaan in dunida laga sharciyeeyo xaq-u-raadinta ragga ragga fuula “U galmooda.” Isaga oo kahor hadlayay kal-fadhiga guud ee QM, Mugabe wuxuu sharcigan cusub ku tilmaamay mid kasoo horjeeda qiimaha, hab-dhaqanka suuban iyo caqiidooyinka Afrika.  Wuxuu aad u weeraray ...

Read More »

Kufsi ba’an oo kajira Koofurta Suudaan

Jubba – Nyamai, oo ah 38-jir hooyo shan caruur ah leh, waxaa lagala baxay xaafadeeda Koch County. Waxaa loo ilaashaday si joogto ah loo xiray si hakad la’aan ah. In-ka-badan 10 askari ayaa saf ugalay hal cisho oo xiriiri ah si ay u kufsadaan. “Fadlan, midkiin ha ii galmoodo. Dhamaantiin ha ii wada galmoonina,” ayay ku tawaawacday; waxaase loogu warceliyay ...

Read More »

Dhallaan Soomaaliyeed oo markab dushiisa lagu dhalay

Muqdisho – Midowga Yurub ayaa Isniintii shalay ahayd sheegay in howl-galka lagu samata-bixinayo soo-galootiga isku soo biimeynaya badda Mediterranean-ka lagu magacaabi doono Sophia “Safiya” si loo sharfo dhal-dhedig oo laga soo badbaadiyay Liibiya bishii hore. “Ergo kamid ah guddiga siyaasadda iyo amniga ee Midowga Yurub “MY” ayaa isku raacay in la anba-qaado wajiga xiga ee howl-galka 7da bisha Octoobar kadib ...

Read More »

Tira-koob: Dalalka ay kasoo jeedaan dhimaalladii Xajka

Muqdisho – Iyada oo ay wali isasoo  tarayso tirada dhimashada  marba marka kasii danbeysa, warbixinnada warfidiyeenka ayaa tilmaamaya in ugu yaraan 1,100 qofood ay ku dhinteen burburkii Xajka oo ahaa kii ugu darnaa abid ee dhacdo-sanadeedka Xajka ka dhaca muddo rubuc qarni ku dhow. Tiradaan cusub waxaa ku dhawaaqay dalalka Bakistaan iyo Hindiya kuwaas oo sheegay in dowladda Sucuudiga ay ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!