MUQDISHO (HN) — Ka Megan Lovelady ahaan, sannado badan oo ay ku jirtay habow ruuxi ah, waxay ugu danbeyntii heshay xalkii ay kaga bixi laheyd. 15 March markii uu dhacay Xasuuqii Christchurch, waxay fahamtay Islaamka.
“Waxaan helay dareen aad u macaan badan oo aan weligay arag,” ayay tiri. “Ilaahay ayaa ii yeeray si aan u ajiibo.”
In yar kaddib markii uu dhacay Xasuuqa, Megan waxay u baxday si ay tiiraanyada ula qeybsato dhibanayaasha. Laakiin marnaba maanay fileyn inay kasoo tegi doonto iyada oo qof kale ah – caqiida cusubna la nool.
Megan ma ahan qofka kaliya ee ka Muslimay bulshada Kiwi ee New Zealand.
Marka loo eego Imam Nimazul-haq Thanvi, oo kamid ah Ururka Caalamiga ee Muslimiinta New Zealand, tira badan oo u dhashay dalkan ayaa qaadanaya diinta Islaamka.
Wuxuu sheegay in nuuc walba oo kamid ah bulshada New Zealand ay u imaanayaan si ay u qaataan Islaamka.
Imaam Thanvi wuxuu intaas ku daray in toddobaad kaddib Xasuuqii Christchurch ay maalin walba u imaan jireen saddex ilaa shan qof si ay u qaataan Islaamka. Bil kaddibna, labo iyo saddex ay sidaas ku soo galayeen Islaamka maalin walba.
Marka loo eego Tahir Nawaz, oo madax ka ah Ururka Caalamiga ee Muslimiinta New Zealand, Muslimiinta NZ ayaa gaaraya 60,000.
You must log in to post a comment.