Marka Aabuhu uu Gabdhihiisa Kufsado!

Muqdisho (Himilonews) – Haweeney ayaa loo xiray isku day ah inay dili rabtay aabaheed oo kufsaday iyada iyo walaasheed ka yar.
Haweeneyda 33-jirada koofur Afrikaanka ah, waxay bileyska ka baryootay inay u oggolaadaan say u disho aabaheed oo 56-jir ah.
“Waxaan rabaa inaan dilo. Fadlan ii oggolaada,” ayay ku tiri cod careysan iyada oo ku jirta gacanta bileyska.
Haweeneydan oo xaamilo ah waxaa lasoo weriyay inay aabaheed ku gantaalisay dhalooyin jajaban –iyada oo sheegeysa inay rabto dhimashadiisa waayo wuxuu kufsaday walaasheed  iyada ka yar.
Haweeneyda ayaa bileyska u sheegtay in aabaheed uu kufsaday iyada oo 12-jir ah. Aabaha oo reer Lesotho ah, wuxuu xabsiga u galay kufsigeeda, hayeeshe kadib markii laga sii daayay xabsiga, wuxuu u hadana baxay inuu soo arko gabadhiisa yar.
Haweeneyda 33-jirada ah waxay sheegtay in gabadha 9-jirada walaasheeda ay iyadna durba la hal-gameysay inay nolosha la qabsato – iyada oo ku dhacaysa iskuulka.
Maalin, mar gabadhan yari ay booqaneysay eedadeed oo degan Simunye, waxay xaqiiqsatay in gabadhu ay si quman u socon karin. Kadib ogaanshaha in gabadha la kufsaday, qoyska ayaa u yeeray bileyska aabihiina waa la xiray, ayuu sheegay Sergeant Linki Lefakane.
Markii aabaha damaanad lagu sii daayay, gabadhiisa weyn ayaa isku daydey inay nafta dhaafiso.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!