Garasho la’aanta Soomaalida iyo Gacan-bidixeynta reer Galbeedka.
Posted by: Zakariya
in Wararka
November 28, 2017
1,098 Views
Muqdisho (Himilonetwork) – Dood badan kama taagna in dalkan uu ka dhacay burbur iyo bara-kac xoogan bilawgii 1991-kii, markii la dumiyey nidaamkii milatariga. Hayeeshe waxaa lagu kala qeybsan yahay aragtida ah sababtii loo riday dowladdii Milatariga ee Jaalle Siyaad.
Dunidan waji walba waxaa horyaalla mid kale wax walbana waa labo labo, dabcan haddii ay dad ku doodayaan dalkan iyo dowladdiisii ma aheyn in la burburiyo oo ay oranayaan dugaag iyo diirato ayaa dalka ku habsaday, kuwo kale ayaan aragtidaa qabin oo u arka guul la gaaray kuna eedeynaya in dowladdu naas-nuujinaysay dad gaar ah danihii qaranna ay ku bedeshey dan qabiil, waxayna aamisan yihiin inay dambiilayaal yihiin mudan in la ciqaabo dhammaan dadkii madaxda ka ahaa maamulkii Milatariga.
Dal ay dumiyeen islamarkaana faraha ka baxay dowladdiisina dhacday: dadkii iyo duunyadiina abaar leysay ayaa dunidu fiirsatay markaas ayay haddana iskugu sii dhiibtay Rasaasta, qabiil qabiil ku duulay, qaraxyo lagu hoobtay iyo qaran qowmiyado noqday ayaa lagu suntay. Waxaana loogu sii daray naaneysta dunida ugu foolxun oo ah Graveyard of Foreign Aid – qabrigii kaalmada shisheeye.
Waxaa jira waddamo sida Soomaaliya oo kale xaalku diga-rogtay, duniduse u gurmatay oo dhiiqadu aysan gaarin halka ay gaaratay midda Soomaalida, waxaase muuqata in Soomaalida loo heshiiyay go’aanna lagu gaaray in la ciqaabo, maqaalkan waxaan kaga hadlaya wadamada kala haadku ka dhacay laakiin laga gaaray iyo qaabkii loola dhaqmay dadkii ka danbeeyey xasaradaha isla maraakaana geystay tacatiyada bini-aadannimo.
Wadamada aan soo qaatay iyo Soomaaliya ayaan is barbar-dhig ku sameynayaa, su’aalaha ugu muhiisan oo aan is weydiiyey ayaa ah, Mareykanka iyo Yurub maxay u daawdeen burburkii? Iyagaaba burburiyee, maxay u daba-qaban waayeen? Dadkii tacatiyda ka geystay Soomaaliya maxaa loo ciqaabi waayey? Maxaase manta la gudboon dadkeena?.
Dabcan dunidan maanta waxaa looga taliyaa Aqalka Cad. Maraykanka waa wadan lagu xanto in uu yahay miiska ugu weyn ee lagu gorfeeyo arrimaha waddamada Muslimiita si dadban iyo dahsoonba, waa dal faraha kula jira arrimaha siyaasadda ee dalalka soo koraya intooda badan, haba sii ahaadaane kuwa Islaamka, sida; Somalia, Syria, Palestine, Yemen, Afghanistan, Kashmir, Republic of Iraq iyo kuwo kale.
Markii uu dhamaaday dagaalkii qaboobaa ee lagu kala furfuray Midowgii Sofiyeeti laguna burburiyey quwaddii barbar tiillay Nato ee Warso, waxaa bilawday Dheelis muuqda oo dhanka awoodda ah xukuumadda Washington ayaana si isla weyni ah ugu amar taagleysay Dunidan, waxaana dhamaan minguurtay caddaaladdii iyada oo isku rogtay ka caaganow cadaaladda ama calooshi u shaqeyste ahaw.
Baabi’ii Midowgii Sofiyeeti iyo Burburkii dowladdii Somaaliya ayaa iska ag dhawaa, in kasta oo markaas uusan xiriir wanaagsan ka dhaxeyn Soomaaliya iyo USSR oo safaaradaha ay kala qaateen 77-kii, haddana aragtidayda gaaban waxaan oran karaa dalkeenu sababaha uu u dhintay waxaa kamid ah xiriir wanaagsan ayey mar la lahaayeen USSR waana sababtii ay u daawadeen burburka dawladaha aan xusay.
2007-dii doorashadii dalka Kenya ee la musuqay waxaa ka dhashay rabshado galaafatay naf iyo maalba. Dagaalladii daafaha Kenya ka dhacay hal maalin waxaa ku naf waayey dad badan, tiro lagu qiyaasay hal milyanna waa barakaceen.
Si ka duwan sidii Soomaaliya, adduun weynuhu si hagar la’aan ah ayuu ugu soo gurmadey Kenya si loo kala badbaadiyo Addoon isku xasuuqeysa siyaasad ay maleegayaan siyaasiyiin kala maan ah. Reer Galbeed iyo Mareykan waxay ku hanjabeen in la ciqaabi doono shaqsiyaadkii ka dambeeyey xasaradda Kenya iyo rabshadihii dhacay, Xoghayahii United States Secretary of State, ee Condolezza Rice iyo Xoghayihii hore ee QM Kofi Anan, ayaa si degdeg ku yimid Nairobi, waxa ay soo celiyeen xasilooni ka dhalata wadanka iyada oo la taabba-geliyey dib-u-heshiisiin ku salaysan awood qeybsi.
September 26, 2007 Afar nin oo u dhashay dalka Rwanda ayaa dalka Ingiriiska lugu maxa-kamadeeyey kuwaas oo lugu eedey inay xasuuq ka geysteen dalka Rwanda markii sida xun loo laayay dadka Tuutsiga ahaa. Theophister Mukakibibi kana tirsan mad-habta Katooliska ayaa maxkamad ku taalla dalka Rwanda waxay ku xukuntay 30 oo xarig ah kadib markii lugu eedeyey in si toos ah ay ugu qeyb qaadatay dagaalladii sokeeye ee dalkaasi ka dhacay sanadkii 1994-tii.
Keligii taliyii hore ee rajiimka Xabashida, Mengistu Haile Mariam oo dalkaasi xukumayey 17 sano ayaa maxkamad ku taalla magaalada Adis Abbaba ku xukuntay dil toogasho ah isaga iyo raggii kale ee dowladdiisa ku jiray kuwaas oo lagu eedyey inay geysteen xasuuq iyo dilkii boqorka dalkaasi ee Heile Selassie.
General Zdravko Tolimir ayey Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyada Dagaalkii ku xukuntay xabsi daa’in, wuxuuna kamid ahaa saraakiishii ka qeyb-qaatay xasuuqii Muslimiinta ku noolaa magaalada Srebrenica ee waddanka Bosnia, sanadkii 1995-kii.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter ayaa si weyn u cambaareeyey dagaalkii lagu qaaday dalka Ciraaq. Wareysi uu bixiyay ayuu ku sheegay in qaladka ugu weyn ee hoggaamiye Mareykan ahi galo ay tahay dagaalka lagu qaaday Ciraaq.
Xoghayihii guud ee golaha amaanka QM, Kofi Annan ayaa ku baaqay shirweyne caalami ah oo loogaga hadlo arrimaha murugsan ee dalka Ciraaq. RW hore ee dalka Bakistan, Sharif ayaa Nawaz kasoo muuqday Maxkamad ka dib markii lagu eedeeyay labo dacwadood oo musuqmaasuq la xiriira. Madaxweynihii hore ee dalka Chad, Hissene Habré ayaa isna la hor keenay maxkamad ku taalla dalka Senegal.
Maxkamadda Caalamiga ee danbiyada Rwanda ayaa ku xukuntay taliyihii hore ee ciidamada Rwanda, Augustin Bizimungu 30 sano oo xarig ah isaga oo lagu eedeeyay qeybtii uu ku lahaa xasuuqii Rwanda ee 1994-kii. Octavien Ngenzi iyo Tito Barahira ayaa lagu helay dambiyo ka dhan ah bani’aadamka iyo xasuuq – iyaga oo gacan ka geystay qorshaynta dilka dad u badan Tutsi oo ku noolaa tuulada Kabarondo ee bariga dalkaasi Rwanda, waxaana lagu xukumay xabsi daa’in.
Waan idin ku dheereeyey dadka danbiyada galay ee maxakamadaha la hor keenay. Waan hubaa malaayiin kale ayaa jirta oo xitaa kuwo Soomaali ah ay kamid yihiin laakiin waxaan dadka maxakamadaha la hor geeyay kusoo gabagabeynayaa: madax-waynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa noqday madax-weynihii ugu horreeyay ee kasoo horjeedo Maxkamadda International Criminal Court, markaas oo lagu eedeeyay dambiyo ka dhan ah aadanaha.
Aqristow si fudud isku weydii maxaa loo heli waayey la xisaabtan ka dhan ah kuweenna xasaradaha abuuray? Waase kuma midkeenna mudan in xittaa wax laga weydiiyo wixii uu dalkan iyo dadkan u geysaty?! Soomaalidu waxa ay noqotay raashinkii buunshaha lahaa ee kasha iyo mooyaha ku dhex jiray, waxayna u dhexeysaa reer Galbeed ku waashay Islaam la-dirir iyo Xabashi neceb isirka Soomaalida. Allow Namooti.
1945-kii kahor adduunka kama uusan jirin waddan la yiraahdo Israel, laakiin nasiib daro markii uu halgankoodii deegaameynta Falastiin hirgalay, Yahuudda iyo xulafadeeda uu u weyn yahay Mareykanku waxa ay Muslimiinta ugu wan-qaleen magaca Argagixiso, kaliya dadka reer Falastiin waxa ay ku qeyliyaan dhukeenna ayan rabnaa, hayeeshe taas badelkeeda dhiigooda ayaa lgu qubeystaa xittaa markii la doono waxaa laga xayiraa inay ku cibaadeystaan Masjidul al-Aqsa, balanta ay wada galeen reer Galbeedku iyo hantaataca QM ayaa ah kaliya waan canbaareynay, canbaaru idinka soo baxday. Koofurta Soomaaliya wixii ka dhacay 2007-dii, gabood falladii Xabashida ay geysteen, Yurub iyo Mareykan wey uga hambalyeeyeen Ethiopia. Mar qofkii dhiman lahaa dhintay, kii dhaawacmi lahaa dhaawacmay, kii barakici lahaa uu bara kacay, ayuu Mareykanku sheegtay in ciidamo kuwiisa ah ay ka qeyb-qaateen xasuuqii Xamar. Midowga Afrika isna si cad ayuu u taageeray duullaankii Xabashidu ku qabsatay Soomaaliya oo afhayeen u hadlay AU-da ayaa ku hadaaqay – Xabashidu xaq bay u leedahay inay difaacdo qarankeeda.” Waana taas oraahdii aan bixiyey oo oraneysay ka caaganow cadaaladda ama calooshi u shaqeyste ahaw!
Maalmihii bisha 11 2007di ay aheyd 8-9, xasuuqii ay geysteen Ciidamadii Xabashada ee Xamar joogay meeshii dunida laga filayey gurmad bani’aadamnimo, maalin kadib xog-hayahii guud ee QM, Ban Ki-Moon ayaa adduun-weynaha ku canaantay in gargaar iyo ciidan nabad ilaalin iska daaye: aan xitaa loo diri karin guddi soo qiimeeya xaaladda aadminimo ee Somaaliya ka taagan. Waan hubaa ma jirto cadaawad weyn oo uu Ban Ki-Moon u qabo Soomaaliya maxa yeelay wuxuu kasoo jeedaa East Asia oo xittaa aanan siyaasad wadaag aheyn, laakiin hadalkaas waxaan oran karaa waa hadal uu yiri shaqsi ka tirsan hay’adaha Mareykanka dabcan waa QM.
Xasuuqii ka dhacay waddanka Bosnia 1995-kii, Ruushka ayaa diidmada Veto-ga ku riday mashruuc qaraar oo dowladda Ingiriisku ay soo ban-dhigtay kaas oo xasuuqii ka dhacay magalaada Srebrenica ee Bosnia ku tilmaamay gumaad. Haba la inkiree xasuuqa Muslimiinta Bosnia loo geystay waxaa u dheeraa kufsi wadareedyo aan xisaab laheyn. Taas oo kale 28, 7, 2007 Cali Cabdow oo ahaa wasiirka warfaafinta Ereteriya ayaa sheegay in maalin walba ciidamada Itoobiya cudurka AIDS-ka ay qaadsiiyaan labo gabdhood oo Soomaali ah. Wax uuna sheegay inay sameeyeen baaritaan la xiriira falalka ay ku kacayaan ciidamada Itoobiya, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed uga digay inay iska ilaaliyaan dhibaatada Ciidamada Xabashidu u maleegayaan. Intaas aan sheegay iyo in ka badan Yurub iyo Mareykan uma aysan dhaafin waan canbaareynay.
Dec 9, 1992-kii ciidamada badda ee Maraykanka ayaa caga-dhigtay xeebta caasimadda Soomaaliya, iyaga oo watay magacii ahaa Hawl-galkii Rajo Soo Celinta – Restore Hope. Waxaana lasoo horumariyay 25000 oo askari. Iska daa rajo soo celine, waxa ay geysteen xasuuq waxaana halaagaas laga sameeyey Filim la yiraahdo Black Hawk Down oo si xun loogu bah-dilayo shacabka Soomaliyeed laga soo qaadayo dad cawaan ah oo xittaa aan aqoon sida xabadda looga ganbado.
Isla waqtigaas xaaladdii adkeyd ee ka jirtay wadanka waxaa looga faa’iideystay dhowr nuuc sidii ayax doog arkay ayaana loogu soo dagay. Dabargoyntu kaliya kuma aysan socon dadka ee bad iyo bariba waa ka aloosneyd. Tusaale, badda Soomaaliya waxa ay qashin qub u noqtay waddamo badan waxaana lagu soo daayay maraakiib shabaqyada ku xiran dunada laga mamnuucay nus qari ka hor isla markaana wadamo ay kamid yihiin Spain, France Yemen, Iran, Masar iyo kuwii kale ee soo gaara ayey maraakiibtoodu qashinka usoo fogeeyaan kheyraadkana ka qaataan.
Waxaana taas kuu xaqiijinaya Cilmi baaris ay sanadkii 2015-kii sameysay hey’adda lagu magacaabo One Earth Future ee waddanka Mareykanka ayaa lagu ogaaday in sanad walba badaha Soomaaliya laga xado Kalluun tiro ahaan gaaraya boqol soddon iyo labo kun oo tan, tiradaasna waxa ay saddex jibaar ka badan tahay kalluunka ay jilaabtan kalluumeysatada Soomaaliyeed. Daqliga kasoo xarooda kulluumeysiga sharci-darrada ah ayaa gaaraya $306 milyan oo doolar, halka kaluumeysatada maxaliga ah ay soo xareeyaan $58 milyan oo doolar.
Isla sanadkii 2013-kii, warbixin kasoo baxday golaha ammaanka ee QM waxaa lagu sheegay in tirada maraakiibta ka dhiiwaan gashan dalka Iran ee ka kalluumeysta Xeebaha Soomaaliya ay gaarayaan 180 markab, taas waxaa sii dheer Maraakiibta dagaalka oo wadamadoodaa aan loo aabo yeelin ayaa tuban, waxeyna tacadiyo joogta ah ku hayaan jillaabatada Soomaalida, ka dardaridda doomaha iyo ka marooqsiga shabaqyadad yaryar waxaa loogu daraa xarig iyo xabsiyo ka daran Guantánamo Bay oo lagu iloobo.
Abaarihii dhacay, gurmad ayaa lagu baaqay NGO-yo aan tiro koob laheyn aya dalka kusoo hagaagay kuwaas oo kala mabaadii ah laakiin wata magac samafal, kana shaqeeya ujeeddooyin gurracan oo ay ku hoobteen shacabkii Soomaaliyeed. Markii ay dhacday dowladdii dhexe illaa iyo hadda, dalka waxaa buux dhaafiyey NGO-leyda, lamana helin wali dowlad dhexe oo awoodda in ay go’aan ka gaarto mussibadooda.
Raashin dhacay oo ay ugu horreyaan Masago – Shamuurey, Ganley iyo Boorash, dadka iska dhaafe xittaa xooluhu aysan cuni karin ayaa dalka lagu soo qubay. WFP ayaana dalka kusoo qubta waxaana taas kasii daran dhibaatada ballaaran oo loo geystay beeraleydii Soomaaliyeed kuwaas oo markii ay raashinkii u soo go’ay ay doonayan in ay suuqa geeyaan ay WFP soo dajiso mid lamid ah kii u bislaaday beeraleyda Soomalida oo bilaash ah taas oo keentay niyad jab iyo qasaaro aan waaqsi laheyn oo ku dhacday beeraleyda. Xaqiiq UN-ku, way soo iibiyaan raashinkan marka laga soo tago deeqo yar oo aan badneyn haddiiba lacag baxeyso maa raashinkan laga iibiyo beeraleyda Soomaalida.
Erayga loo yaqaano Aid wuxuu ahaan jirey in la kaalmeeyo dadka dhibaateysan, maanta ereygii Aid wuxuu isu rogay faafinta cudarka loo yaqaan Aids-ka, waxaan ka cabsi qabaa in erayga KAALMO ay Somaalidu u rogto macno kale sanado kadibna uu noqdo magac uu carrabku ka xishoodo.
Waxaan kusoo gaba gabeynayaa qoraalkeyga su’aashi aheyd maxaa la gudboon dakeenna oo aan horay isku weydiiyey?! Waddanka Rwanda wixii ka dhacay 1994-kii oo lagu tiriyo mid kamid ah xasuuqyadii ugu waaweynaa ee dunidan soo maray, xasuuqaas waxa uu ka dhan ahaa qoomiyada Tutsiga, Rwanda waxay hormood u noqotay wadamada Africada Bari in ay kaga daydaan mamul-wanaaga, la dagaalanka musuq-maasuqa, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Laakiin sheekada isoo jiidatay ayaa ah sida cajiib ka ah ee xalka looga gaaray.
Marka laga soo tago dadka reer Rwanda ee maxamadaha la hor geeyey oo aan kor kusoo xusay waxaa jirta sheeko kale. Waxaa wadanka Rwanda oo dhan laga hir-galiyey barnaamijyo lagu kulansiinayo qofkii dhibka geestay iyo qofkii loo geestay looguna tala-galay in qof walbo uu dhibkii isaga ku dhacay ama reerkiisa qabsady uu cafiyo.
Sac ninkii lahaa gadaal uga fadhiyo ma kaco, ayey Soomaalidu tiraahdaa dalkeena waxaa hor boodaya dadkii burburkiisa horseedka ka ahaa. Waa in laga shaqeeyaa sidii aan ku gaari laheyn dowlad wanaag cadaalad ku saleysan, waa in aan ka gudubnaa dawladnimada ku salaysan qabiilka, isla markaana dib-u-habeyn lagu sameeyo hey’adaha cadaalada.
Wabbillaahi Towfiiq.
Qore: Abdiaziz Adan Urur.
Related
2017-11-28
You must log in to post a comment.