crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Demo Blog With Map | HimiloNetwork | Page 203

Demo Blog With Map

Ra’isul wasaaraha Kanada oo soo dhaweeyey qaxooti Siiriyaan ah

Muqdisho (Himilonews) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee Kanada Justin Trudeau ayaa maanta ku soo dhaweeyey tiro gaaraya 163-qaxooti oo hor dhac ka ah 25,000 qaxooti Siiriyaan ah oo lagu keenay diyaarad militari magaalada Toronto. Tiradan qaxooti ayaa barakac ku ahaa gudaha dalka Lubnaan kahor intaan la keenin Kanada.  Dowladda cusub ee Trudeau ayaa horay u qaadaysa balan-qaad ay dib u dejin ...

Read More »

Markay madaxdu Nadaafadeynta Muqdisho u istaagaan

Muqdisho (Himilonews) – Gudoomiyaha G/banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcale iyo Dhamaan Salaadiinta Soomaliyeed ayaa Maanta Gacmahooda ku Nadafiiyey Qeybo Badan oo kamid ah degmada shangaani ee Gobolka Banaadir. Salaadiinta Soomaliyeed ayaa Wacad Ku Maray in ay duqa Magaalada fikirkiisa ahaay in magaaladan ay Noqoto Mid nadiif ah ay ku Garab taagan yihiin “Anaga Hadaan nahay salaadiiinta iyo ...

Read More »

Qeybtii 2aad: Wax Ka Baro Dhurwaaga “Waraabaha”

Muqdisho (Himilonews) – Dhurwaagu, siiba kan dhibcoolaha, wuxuu caan ku yahay cunista in kabadan 95% neefka ay dishaan iyo dhiirrinimada ay uga bursan karaan Haramcadka iyo Goosha dilanka ay cunayaan waloow lagu sunto inay yihiin gaatanto si fuleynimo ah ku ugaarata. Dhurwaagu habeenkii ayuu gabraartaa. Taas oo ka dhigan inuu guureeyo. Kolkolna subaxdii ayuu jabaqda ku hororaa. Marka inyar laga reebo ...

Read More »

Qeybtii 2aad: Wax Ka Baro Shabeelka -The Tiger

Muqdisho (Himilonews) – Kolka ay dilanayaan xoolaha waaweyn, waxay doorbidaan inay rubadda ku dhagaan neefka oo ay miciyahooda xooga leh ku dhex-dusiyaan iyaga oo dhulka kusii gujinaya—jeer neefku uu qabsin-ood u dhinto. Habkan, wuxuu badi ku dilaa xoolo uu kamid yahay Lo’-duureedka—oo lix jeer ka culeys badan Shabeelka. Inkasta oo ay horor-dilan karaan noolaha waaweyn, hadana dhashooda ay doorbidaan inay dishaan. ...

Read More »

Farrimaha Jaceylka

Muqdisho (Himilonews) – Mir kaliya noloshaada dhexdeeda, waxaan si dhab ah u rumaysanahay inaad helayso qof dunidaada si guud is-badal ugu sameeya. Waxaad u sheegtaa walxo aadan naf kale waligaa la wadaagin. Way dhuuxaan wax waloo tiraahdo iyagoo dhabtii raba inay wax badan kaa maqlaan. Waxaad wadaagtaan yididiilooyin aayatiin leh; dhadhabyo aan waligood dhab noqoneyn—yool aan waligiis laga lib keenin. ...

Read More »

Qeybtii 1aad; Dhurwaaga ama Waraabaha

Muqdisho (Himilonews) – Bahal Yeeyda xoogaa ka weyn oo hilibka cuna; mid uu disho iyo mid baqti ahba. Wuxuu leeyahay guud iyo ilko xoog badan oo laf kasta burburin Kara iyo laba lugood oo jeenyaha ka gaaggaaban—cagtiisuna afar suul bay leedahay. Wuxuu caan ku yahay ci’ sillan oo wiririxa iyo qosol dadka waalan u eg. ~ Waraabe. Labkiisa waxaa la ...

Read More »

Waanada Jaceylka

Muqdisho (Himilonews) – Qalbi walba oo hal-abuur noqda, wali waa dhantaalan yahay jeer dhiggiisu uu la talantaaliyo. Kuwa quudaraynaya inay maansoodaan waxay helaan maanso. Bilowga lahashada jaceylka, qof kasta waa hal-abuur. Waxaan wax ku jeclaanay jaceyl kaas oo ka badan jaceyl. Sidaas awgeed, waan ku jeclahay waayo ifka oo dhan ayaa igu kaalmaynaya inaan ku helo. Laba jaceyl ku sugan, iyagoo kaligood ...

Read More »

FARRIIMAHA JACEYLKA

Muqdisho (Himilonews) – Waan ku jeclahay aniga oon ogayn sida, sababta, siyaabaha iyo sabada aan kugu jeclaaday. Sidaan ayaan kuu jeclahay waayo magaranayo si kale oon kuu jeclaado. Meel aysan jirin Aniga ama Adiga balse Innaga! Jaceyl lumay wali waa jaceyl. Kaliya dhabbaha ayuu rogtaa. Kolka uuse dareenkiisa goonni-joognimada nugleeyo hanka qof kale; gocashadu waxay noqotaa lamaanahaaga. Waad shinsataa. Waad ...

Read More »

Wax Ka Baro Shabeelka–The Tiger

Muqdisho (Himilonews) – Dugaag ku nool Afrika, Aasiya iyo meelo kale. Midabkiisu waa cawl baro mad-madow ahi ku yaalliin; dhulka dhirta badan ayuu joogaa–geedahana wuu fuuli ogyahay. Xoolaha iyo ugaarta ayuu aad u laayaa; dadkana kolkol buu damcaa. Labkiisa waxaa la yiraahdaa Arbe; halka tiisa dhedigta ahna lagu magacaabo Shabeel. Shabeelku waa bah Dinad kan ugu weyn–kaas oo dhirirnimadiisa jireed ...

Read More »

Feeryahanka Muslimka ah Maxamed Cali Kalaay oo u jawaabay Donald Trump

Muqdisho (Himilonews) – Feeryahanka howla-gabka noqday ee Muslimka ah Maxamed Cali Kalaay ayaa u jawaabay musharaxa xilka madaxtinimada Maraykanka ee Xisbiga Republican-ka Donald Trump–kaas oo yiri Muslimiinta waa in laga mamnuuco inay soo galaan USA. Kalaay oo bartiisa kulanka bulshada ee Twitter fariin soo dhigay ayaa ku yiri: “Waxaan ahay Muslim. Diinteennuna waxay si cad uga hor imaanaysa xasuuq–Paris iyo ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!