crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Da’yar Muslimiin ah oo cunnooyin bisil siinaya Danyarta. | HimiloNetwork

Da’yar Muslimiin ah oo cunnooyin bisil siinaya Danyarta.

MUQDISHO (HN) — Suubanaha NNKH wuxuu yiri; kiina ugu wax-tar badan waa midka umadda wax dheefkiisu ku diirsadaan. Isaga oo taas xoojinaya ayuu Mahatma Gandhi oo ahaa halgamaagii Hindiya, wuxuu yiri – habka ugu fiican oo aad naftaada ku hanan kartid waa adiga oo ku dhex luma u adeegidda danta guud iyo dadweynaha.

Ku dhawaad 80 dhalinyaro ah ayaa si kastaba Sabtidii ina dhaaftay isaga yimid inay cunnooyin bisil u qeybiyaan kuwa baahan iyo danyarta. Waana qeyb kamid ah dadaal ay horfiiq u tahay hey’adda Islamic Relief USA.

“Tallaabadani waa un hab kamid ah habab Eebe loogu dhawaado – kaalmeynta danyartuna waa tiir dhexaadka diinta Islaamka,” ayuu mareegta KSL.com u sheegay Ali Mir.

Waxaa qorshuhu yahay in kaalmo lala gaaro in ku dhow 25,000. Ali Mir wuxuu sheegay in samafalayaashu ay saddex saac gudahood ku diyaariyeen in ka badan 22,000 oo xirmooyin cunnooyin bisil ah ay ku keydsanayeen.

Ficilladan ayaa ka tarjumaya astaanta iyo udubyada uu Islaamka u jideeyey kaalmeynta, daryeelka iyo gurmadka kuwa liita iyo danyarta guud ahaan. Waxaana diinta ay dhigtay meel sarreysa.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!