crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Bangi ‘haweeney waayeel ah’ ku qasbay in sariir lagu keeno si lacagteeda loogu bixiyo! | HimiloNetwork

Bangi ‘haweeney waayeel ah’ ku qasbay in sariir lagu keeno si lacagteeda loogu bixiyo!

MUQDISHO (HN) – Shaqaalaha bangi ku yaalla dalka Meksiko ayaa lagu tilmaamay kuwo aan damiir duxa iyo dadnimo toona lahayn kaddib markii hooyo 96 jir ah ay ku qasbeen in sariir lagu keeno bangiga si heybteeda lahaanshaha koontada uga furan bangiga loogu caddeeyo kadibna loo siiyo lacagta ceyrta ah.

Muuqaalka iyo sawirada haweeneyda waayeelka ah oo lagu sido sariirta isbitaallada ayaa la arkayaa iyada oo horjiifta shaqaalaha bangiga kuwaas oo kuraas kasoo horjeeda ku fadhiya. Waxaa xaafadda looga keenay ambalaas. Wuxuuna muuqaalkan noqday mid caro badan ka dhaliyay guud ahaanba dalka Meksiko.

Fidelia Vásquez Nuño – inay tahay 96 jir – waxaa usii dheer in xanuunno badan oo isbiirsaday ay sariiryaal ka dhigeen, laakiin dadaal walba oo wiilkeedu u sameeyey si uu ugu buuxiyo waraaqaha codsiga lacag kala bixidda bangiga, dadaalkiisu wuxuu noqday mid lagu gacanseyray! Waxaa loo sheegay in saxiixa iyo caddaymaha looga baahan yahay hooyadiis ay yihiin sida kaliya oo ay kula bixi karaan lacagta ceyrta ee lixdii bilba mar la siiyo!

“Waa wax laga dido. Waxaan u geynay wax walba oo caddaymo ah oo weliba lagu lifaaqay saxiixa xeer-ilaaliyaha iyo abuukaataheeda,” ayuu yiri wiilkeeda. “Waxayse nagu xujeeyeen inaan lafteeda horkeenno in kasta oo aysan istaagba tahli karin – iskaba daa inay socoto e.”

“Waxay nagu yiraahdeen sawirka wejigeeda iyo midkii hore ee lagu diiwaangeliyay iskuma eke, waxaana loona baahan yahay in lafteeda la hor keeno,” ayay sii raacisay inanteeda.

Qoyska haweeneydan waayeelka waxay hadda dacwad u gudbinayaan ururadda u dooda xuquuqda aadanaha.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!