crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Zakariya | HimiloNetwork | Page 2

Author Archives: Zakariya

Sucuudiga oo bilaabaya Soo-jiidashada Dalxiisayaasha Muslimiinta ah.

Jeddah (Himilonetwork) – Guddiga Dalxiiska Sucuudiga ayaa bilaabaya qorshe ay dalkooda uga dhigayaan goob-dalxiiseed soo jiidata indhaha dalxiisayaasha Muslimiinta ah ee dunida dacalladeeda ku kala nool. “Guddiga Dalxiiska iyo Hidda-dhaqanka Sucuudiga wuxuu ku jiraa dadaal uu ugu diyaar-garoobayo aragtida 2030 kahor in dalkan uu noqdo mid soo jiita indhaha dalxiisayaasha Muslimiinta ah,” ayuu yiri Saud Al-Mogbil, oo ah af-hayeenka Guddiga. Mashruucani ...

Read More »

Muslimiinta Sweden oo loo idmay inay Aadaanka kasii deyn karaan Codbaahiyaha.

Stockhlom (Himilonetwork) – Bulshada Muslimiinta ah ee ku nool koofurta Sweden ee Vaxjö ayaa loo idmay inay codbaahiyaha kasii deyn karaan Aadaanka Salaadda maalin walba oo Jimco ah, sida lagu soo xigtay  Anadolu Agency. Booliska Magaalada Vaxjo ayaa u idmay Muslimiinta inay aadaanka u adeegsan karaan codbaahiyaha Maalinta Jimcaha, marka loo eego Radio SR. Fredrik Modeus, oo ah baadariga degmada ayaa soo ...

Read More »

Muslim adduun dhan £850,000 ugu deeqay Jaamacadda Cardiff.

England (Himilonetwork) – Deeq-bixiye Muslim ah ayaa adduun dhan  £850,000 ugu deeqay Xarunta Barashada Islaamka ee Jaamacadda Cardiff – dadaal uu ku doonayo in fahamka saxda ah ee diinta Islaamka lagu dhex baahiyo gudaha dalka Britain. ““[Yousef Abdul Latif] Jameel wuxuu dhabtii qadarrin u sameeyey cilmi-baaristeenna la xiriirta kordhinta aqoonta Islaamka iyo Muslimiinta gudaha Britain,” Prof Gilliat-Ray, oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda ...

Read More »

Goolhayaha Xulka Qaranka Gabdhaha KC Sweden oo Islaamtay.

Stochlom (Himilonetwork) – Goolhayaha ciyaartoyda xulka qaranka Sweden ee ka yar da’da 19-jirka, Ronja Andersson, ayaa kaddib sannado badan oo ay baranaysay diinta Islaamka ugu danbeyntii muslimtay. “Waan ku faraxsanahay inaan Muslim ahay,” ayay ku tiri waraysi ay siisay wargeyska Aftonbladet. Andersson, oo kamid ah xulka gabdhaha kubadda cagta Sweden ayaa sheegtay inay la qabsatay barashada Islaamka markii ay jirtay da’da 15 sano. ...

Read More »

Cape Town oo xal la yaab leh u keentay dhibaatada biyo la’aanta!

Cape Town (Himilonetwork) – Markii maamulka magaalada Cape Town ay ku dhawaaqeen in ay biyaha ka dhammaanayaan waxaa magaaladan kusoo jeedsaday indhaha adduunka oo dhan. Waxay noqotay tii ugu horeysay oo magaalooyinka adduunka ka mid ah oo ay biyaha ka go’aan, waxayna arrintan kusoo beegantay xilli adduunka oo dhan walwal laga qabo isbadalka cimilada. Balse naaquude caan ah oo maraakiibta wada ...

Read More »

Waaya’aragnimadayda Barnaamijka Kobciye.

Muqdisho (Himilonetwork) – Saxaafaddu waa tiir kamid ah saddexda tiir marka laga yimaado macalinka iyo waalidka kuwaas oo go’aamiya nuuca ay bulshadoodu u ekaanayso. Marka la rabo in la derso awoodda ay saxaafaddu ku leedahay doorashada burburinta iyo dib-u-dhiska, dalka Rwanda waa tusaalaha dhawaan-galka ah. Hal-hindisaha warbaahineed, Albert Rutadsimburwa, oo dalkiisa uga soo laabtay qurbaha ayaa rumeysan in Rwanda ay ...

Read More »

Berbera oo laga furay Maktabadii ugu horraysay oo ay yeelato muddo dheer.

Berbera (Himilonetwork) – Magaalada Berbera ayaa waxa saaka lagu qabtay xaflad weyn oo si rasmi ah loogu furay maktabadii ugu horeysay ee ay yeelato magaaladan dekedda ah ee istiraatiijiga ahi. Weriyaha BBC-da Axmed Saciid Cige oo shaqo u jooga magaalada Berbera kana qayb galay xadhig ka jaridda maktabadan akhriska ee Berbera, ayaa ku soo waramaya in makatadda uu ku arkay ...

Read More »

Waa Waaya’aragnimo Xanuun badan Noqoshada Qaxooti!

Delhi (Himilonetwork) – Taniyo markii Myanmar uga soo qaxday Xerada Cox Bazar ee dalka Bangladesh ugu danbeyntiina ay timid New Delhi, Tasleema oo kamid ah bulshada caddiban ee Rohingya, waxay ogaatay inaysan wali helin meel ay ku sal-dhigato. Tasleema ma xusuusan karto goortii ugu danbeysay oo ay ku lado goob ay ku tilmaami karto gurisamo. Dab kaliya ka kacay xerada ...

Read More »

Ogow 25-ka Dal oo leh aqlabiyad Muslimiin ah.

Washington (Himilonetwork) – Muslimiintu waxay ku jiraan booska labaad ee qoyska ugu ballaaran dunida kaddib diinta Masiixiga. Waxaa lagu sheegaa inay dhan yihiin 1.8 bilyan. Islaamku sidoo kale waa diinta ugu faafista badan adduunka, sida lagu sheegay cilmi-baarista ay sameysay Pew Research Center. Iyada oo soo xiganaysa Buugga Xaqiiqooyinka ee CIA-da, Fogaan-aragga CBN News ayaa soo tixay dalalka ugu badan ...

Read More »

6 jir iyo 75 jir oo Qur’anka oo dhan dusha ka xifdiyay.

Delhi (Himilonetwork) – 75-jir Muslimad Hindiya u dhalatay ayaa noqotay haweeneydii ugu da’da weyneyd bulshada ay ku dhex nooshahay ee dusha ka qeybta Qur’anka oo dhan kaddib 7 sano oo ay baranaysay – halka 6 jir iyadna ku nool magaalada Bengaluru ay guushaas oo kale gaartay. “Xalka dhibaatada dunida taalla oo dhan waxaa laga helayaa Qur’anka,” ayay 75-jirta lagu magacaabo Radiya Vaziri, u ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!