crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> May | 2022 | HimiloNetwork | Page 2

Monthly Archives: May 2022

Shiikh iyo Baadari iskaga imaanaya kaalmeynta Darbi-jiifta Brazil.

MUQDISHO (HN) — Shiikh iyo Baadari ayaa isu-taagaya inay caawiyaan darbi-jiifta ku nool magaalada Sao Paulo – iyaga oo ku gaaf-wareegaya degmooyinka magaalada si ay cunnooyin bisil u siiyaan. Waxaa horboodaya wadaad lagu magacaabo Rodrigo Jalloul iyo baadari la yiraahdo Júlio Lancellotti oo labaduba caan ka ah magaalada. Kulankoodu wuxuu kasoo bilowday kulan diimeed dood ah oo loogu qabtay muuqbaahiye ...

Read More »

Laacibkii Qaranka Cameron oo qaatay diinta Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Ruugcadaagii kubadda cagta xulka Qaranka Cameron, Patrick Mboma ayaa qaatay diinta Islaamka – isaga oo la baxay magaca Abdoul Djalil Mboma gudaha Masjid ku yaalla magaalada Douala. Muuqaallada lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya laacibkan oo shahaadada loogu qabanayo Masjidka Bonamosadi. In kasta oo Mboma uusan si furan uga hadlin qaadashadiisa Islaamka, haddana wuxuu bartiisa kula wadaagay muuqaallo ...

Read More »

Madaxweynaha cusub iyo Mushkiladaha horyaalla.

MUQDISHO (HN) — Kuma cusba dhegaha dadka magaciisu. Muuqiisana haba sheegin. Siyaalo dhowr ah oo kala duwan ayuu uga qeyb ahaa geeddi-socodka nolosha rayidka siiba dhanka wax-barashada iyo hey’adaha. Laakiin wuxuu mar qura saaxadda caannimada iyo hadalheynta qabsaday 10 sannadood kahor. Waana halka ay kasoo bilaabato waaya’aragnimadiisa madaxtinimada Soomaaliya. Sannadkii 2012-ka, doorasho ay ku loolameen isaga iyo Shariif Sheikh Axmed ...

Read More »

Jamaaco Imamkooda Masjidka ku abaalmariyay Gaari Audi-6 ah.

MUQDISHO (HN) — Jamaacada Masjid ku yaal Leida, dalka Spain ayaa Imamkooda kaga yaabsaday siin ama hadyad ah gaariga nuuca Audi-6 ah oo ay ugu abaalgudayaan dadaalkii iyo howshii adkeyd oo uu ka qaatay intii lagu jiray bisha Ramadaan. Osama Bounasab, oo ah Imamka Masjidka Al-Rahmah ee Tarka ayaa helay abaalmarinta maalintii Ciidda. “Maanta waa maalin ii gaar ah; waa ...

Read More »

Muslimiin xarun samafal u sameeyey daryeelka Bukaannada Danyarta ah.

MUQDISHO (HN) — 20 sannadood kahor qoolad yar oo lagu bixiyo adeeg caafimaad ayaa hadda awoodaysa inay sannad kasta u fidiso adeeg lacag la’aan ah kumaankun dad ah oo kala diimo iyo qowmiyado ah. Jeedaalinta baahida caafimaad ee jirta, Fowsia Ahmed waxay sannadkii 2004 hirgelisay xarun bulsho iyo kaalmo caafimaad oo dadka ayaanka liita siinaysa daweyn iyo la-talin caafimaad. Sannadkii ...

Read More »

Sheekada Wiilka Soomaaliga ah ee Sababta u noqday Islaamidda Gabar Ruushiyan ah.

MUQDISHO (HN) — Saaxiibadii iyo ehelkii ay ka dhalatay waxay wali ugu yeeraan EKratine laakiin marwalba oo usoo daadagto waddooyinka magaalada iyada oo xiran xijaab magaceedu wuxuu isku beddelaa samiiro. Kanina waa shaqsiga ugu muhiimsan nolosheeda oo fure u ah fahamkeeda Islaamka iyo kamid noqoshadeeda bulshada Muslimka ah. Magaciisuna waa Yoonis – dhalashadiisuna waa Soomaali. Balse halkee ayay iska barteen ...

Read More »

La kulan – Ragga Lugaha iyo Gacmaha la’

MUQDISHO (HN) — Waa laba isku baahan. Midna waa lugo la’aan; kan kale waa gacmo la’aan. Laakiin sheekadoodu kuma saabsana naafanimadooda. Waxay la xiriirtaa iskaalmayntooda iyo sida cajiibka leh oo ay isku dhammeystirayaan marwalba oo ay wax qabsanayaan. Faabiyaan waa gacmo laawe aan waxqabsan Karin – Juliusna waa lugo laawe aan socon Karin ama aan gaari Karin meelaha ka korreeya. ...

Read More »

Da’yarta Sawirada ku qaada Bartanka Waddada.

MUQDISHO (HN) — Halkani ma ahan meel uu galbis ama shil ka dhacayo. Waa goob loogu tala-galay in sawiro qurxoon oo soo jiidashado leh looga qaado keli-keli iyo lammaane intaba dadka jecel in ammintooda farxadda leh kaameraddu u qabato. Cabdirizaq Maxamed Cabdirahman waa helaha hal-abuurkan. “Munaasabad walba sida sagootin, galbis, dhalasho iyo wixii la halmaala ayaanu halkan ugu sameynaa dadka ...

Read More »

Damaashaadka Xeebta Liido iyo Da’yarta Caasimadda.

MUQDISHO (HN) — Xeebta Liido waa mid aad u ballaaran. Waxay dhabarka ku heysaa dekaddii hore ee Duqda. Waxaana hareeraha kaga yaalla xarumo kala duwan oo laga helo cunnooyin fudud iyo fadhi. Dad badan oo dalka iyo dibaddiisa ku nool ayaa jecleysta inay yimaadaan halkan. Xasan Goodax oo galabta ku shaahaya xeeliga badda ayaana kamid ah. “Maanta way iiga duwan ...

Read More »

Nolosha Lammaanayaasha Aragga la’.

MUQDISHO (HN) — Ma rumeysanaysid sheekada lamaanahan. Waa indhoolayaal aan is arki Karin balse iska jeclaaday is-aragga labadooda qalbi. Been ma ahan jaceylku indho malahan. Marba haddii labadan mucaashaq ay awoodeen inay abuuraan jaceyl aan ku bilaabin aragti balse ka beermay gunta laabaha. Farxaddaa u sahay ah. Way wada socdaan; iyaga oo qoslaya. Kuma lumiyaan daqiiqadaha ay wada joogaan ka ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!