crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> June | 2019 | HimiloNetwork | Page 2

Monthly Archives: June 2019

Siyaasi si la-yaab leh oohin afka furtay markuu shan cod ka helay doorashadii dhacday.

MUQDISHO (HN) — Musharaxa madax-bannaan oo ka tartamayay gobalka Punjab ee dalka Hindiya ayaa dunida ka yaabsaday kaddib markii warbaahintu qabatay isaga oo ooyaya markii uu helay shan cod oo kaliya doorashadii dhacday – xilli sagaal qof oo reerkiisa kamid ah ay ku jireen cod-bixiyaasha. RW Narendra Modi ayaa helay guulo taariikhi ah doorashadii dhacday taas oo ay kasoo qeyb ...

Read More »

La kulan – Darbi-jiifka Gidaaradda Qaawan saara Farshaxan Qurux badan!

INDIA (HN) — Darbi-jiifnimadu marwalba ma ahan xaalad la xiriirta dhibaato dhaqaale – waxay inta badan noqon kartaa mid ku dhisan duruufaha adag ee nolosha. Balse inaad aragto darbi-jiif, durba waxaa kugu soo dhacaya dhaqan aan fiicneyn, mana dhacdo inta badan inaad ka filato wax ka guda-balaaran muuqaalka kaaga muuqda. Balse xaalku sidaas ma ahan. Darbi-jiif walba wuxuu leeyahay hibadiisa ...

Read More »

Laacibka Dhawaan-Muslimaha reer BRAZIL oo ku sugan MAKKAH.

MAKKAH (HN) — Maalmo kahor markii uu ku dhawaaqay inuu qaatay diinta Islaamka, laacibka reer Brazil, Sergio Ricardo Neves ayaa lagu arkay magaalada barakaysan ee Makkah – isaga oo gudanaya acmaasha Cumrada. “Alxamdulillah, hadda waxaan ahay qof Muslim ah,” ayuu yiri isaga oo ku sugan magaalada barakaysan. Joogitaankiisa waxaa la arkayay isaga oo ku labisan dharka cad ee xujeyda iyo ...

Read More »

Aabbe Xabsi u gelaya dhanbaal ku socday wiilkiisa oo uu amar la’aantiisa furay!

MADRID (HN) — Aabbe ayaa lagu wadaa inuu labada sanno ee soo aadan uu xabsiga liin dhannaanta ku cabo kaddib markii uu furay dhanbaal ku socday wiilkiisa 10-jirka amar la’aantiisa, marka loo eego warbaahinta Spanish-ka. Tallaabadan ayuu kaga gol lahaa inuu caddeymo ugu raadsado kiiska ka yaalla maxkamadda ee kala dhaxeeya afadiisa – oo ah inanka hooyadiis. Balse maanu marnaba ...

Read More »

Fannaanadda Amerikan ah ee Della Miles oo qaadatay Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Fanaanadda American-ka ah ee Della Miles oo kasoo dhinac shaqeysay fannaaniinta Michael Jackson iyo Whitney Houston ayaa qaadatay diinta Islaamka, iyada oo sheegtay in joogitaankeeda Turkiga uu qeyb ku lahaa barashada diinta Islaamka, sida laga soo xigtay Anadolu Agency. “Wax walba hadda way ii cusub yihiin,” ayay tiri Miles oo dhawaan noqotay Muslimad. “Waxaan naftayda u arkaa ...

Read More »

Malaysia – Kumaankun Cunnooyin bisil ah ayaa la daadiyay maalin walba bishii Ramadaan.

PUTRAJAYA (HN) — Shirkadda Maareynta Qashinka iyo Ilaalinta Badqabka Degaanka ee dalka Malaysia ayaa sheegtay in 4,005 oo tan oo ah cunnooyin lagu cuni karo in si maalinle ah loogu soo qubay meelaha lagu shubo qashinka intii lagu jiray bisha barakaysan ee Ramadan. “Tirada cunnooyinka la daadiyay waxaa lagu quudin kara saddex jeer maalin walba dad gaaraya 2.97 milyan oo ...

Read More »

Haweeneydii si la-yaab leh madaxeedu ugu xayirmay….

MUQDISHO (HN) — Haweeney u dhalatay dalka Colombia oo lagu soo warramay inay rabtay inay hubiso haddii jaarkeedu ku jiraan gurigooda ayaa madaxeedii kala soo bixi weysay biraha afar-geeska ah ee ganjeelka guriga – xilli ay isku dayaysay inay ka dhex fiiriso. Muddo shan saacadood ah ayuu madaxeedu ku dhex xayirmay biraha ganjeelka. Haweeneydan oo aan magaceeda la shaacin ayaa ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!