crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> January | 2019 | HimiloNetwork | Page 2

Monthly Archives: January 2019

Masjid dadka la’ Nimcada Maqalka u sahlaya inay bartaan Qur’anka.

MUQDISHO (HN) – Masjid ku yaalla degmada Mataram,  ee dalka Indonesia ayaa diyaarinaya tarjumayaal ku xeel-dheer la-hadalka dhagoollada si loogu caawiyo barashada Qur’anka oo ay baahi weyn u qabaan. Abdullahi oo kamid ah Jamaah Tabligh ayaa yiri; “Waxaan bilownay mashruucan barakada leh waxaana soo kordhinay shan tarjumayaal oo ku xeel-dheer luqad jireedka lagula macaamilo dhagoollada si ay u baraan diinta iyo Qur’anka.” ...

Read More »

RW Malaysia oo difaacay sababta uu Muwaadiniin Israeli ah uga mamnuucay dalkiisa.

MUQDISHO (HN) – RW Malaysia, Mahathir Bin Mohamad ayaa sheegay in dadka u dhashay dalka Israel aan loo oggolaan doonin in dalkiisa ay soo galaan, marka loo eego Walla! News. Hadalkan ayaa daba socda dhaleeceyn loo jeediyay dowladdiisa kaddib markii ka qeyb-galayaal u dhashay dalka Israel laga mamnuucay inay ka qeyb-galaan tartanka caalamiga ee dabaasha Paralympic Swimming World Championship oo ka dhacaya dalka Malaysia. ...

Read More »

Mohamed Ali oo loogu magac-darayo garoon diyaaradeed.

MUQDISHO (Himilonetwork) — Gegida dayuuradaha Louisville oo ku yaalla Kentucky, USA, ayaa ku dhawaaqday inay magaceeda u bedelayso Mohamed Ali si loo sharfo halganka feeryahankii weynaa. “Waxaa inoo farxad ah inaan ku dhawaaqno in magaca gegida dayuuradaha aan u beddelayno Louisville Muhammad Ali,” ayaa lagu soo daabacay barta twitter-ka. “In la nooleeyo dhaxalka Mohammed Ali waxay muhiim u tahay magaaladiisa uu ku dhashay.” ...

Read More »

Haweeney – si ay Masjid u dhisto – muddo 30 sanno ah ururin jirtay lacagta biilka!

RIYAD (Himilonetwork) — Qisada haweeney muddo 30 sannadood ah ururinaysa keyd lacageed si ay masjid ugu dhisto ayaa ku baahday baraha bulshada. Sheekadeeda ayaa bilowday inay ku faafto barta twitter-ka kaddib markii wiilkeeda, Mohammad Al Harbi, uu soo dhigay maalintii Isniinta. Wuxuu soo dhigay sawirka hooyadiis oo dhex taagan wax u muuqda dhismo qabyo ah oo howl ay wali ku socto. ...

Read More »

90-jir ‘Qaadatay’ Diinta Islaamka.

CEBU (Himilonetwork) — Haweeney 90-jir ah oo ku nool dalka Filibiin ayaa ugu danbeyn qaadatay diinta Islaamka – dadaal ay wadajir u bixiyeen Naadiga dacwada  (IERA) oo fadhigeedu yahay UK iyo dadka degaanka. “Alxamdullilah, haweeneydan waxay meel dheer nooga timid si ay Shahaadada horteeda ugu qaadato,” ayaa lagu yiri qoraal la socday muuqaal ay barteeda soo dhigtay (IERA). “Da’da 90-jirka ayay ku ...

Read More »

Muslim loo ganaaxay fagaare-ka-dhihidda Kalmadda Allahu Akbar!

MUQDISHO (Himilonetwork) — Da’yar Muslim ah oo ku nool Switzerland ayaa lagu ganaaxay lacag dhan 210 Swiss francs ama £170, kaddib markii uu kor u yiri kalmadda ‘Allahu Akbar’ – xilli uu farxad ku qaabilayay saaxiibkiis oo ay muddo kala maqnaayeen. Orhan E, oo 22-jir ah ayaa markii uu ku dhawaaqay kalmadda, waxaa durba u yeeray booliska magaalada Schaffhausen. Waxayna u sheegeen ...

Read More »

La kulan – Maqaayadda guur-guurta ee Maandeeq.

MUQDISHO (Himilonetwork) – Dhawaaqa gaari ee dhagihiinna kusoo dhacaya, waxaa dhacda inuu kuula muuqdo sida gaadiidka kale. Balse marka uu dhinac istaago geeska laamiga – kaddibna aad aragto isaga oo daaqadaha looga furayo – si aad uga iibsato adeeg cunnooyin ah, waxaad ogaaneysaa inaadan u baaheyn kaliya maqaayad maguurto ah inaad wax kasoo cunto. Tani waa Maqaayadda guur-guurta ee Maandeeq ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!