crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> October | 2018 | HimiloNetwork | Page 3

Monthly Archives: October 2018

Nin gubay Gabar uu adeer u yahay kaddib markii ay dhulka ku kaadisay!

Muqdisho (Himilonetwork) – Nin ayaa fal arxan-darro ah kula kacay gabar laba sano jir ah kaddib markii ay dhulka ku kaadisay. Ninkan oo ku nool gobalka Akamkpa, dalka Nigeria waxaa xiray booliska kaddib markii lagu soo Bacay cabaadka ka baxay inanta yar. Marka loo eego booliska, ninkan ayaa gabadha u ahaa adeer. Waxaana looga tagay inay la joogto. Gabadhan oo ...

Read More »

Libaaxyo nolosha ku cunay Ugaarsadayaal rabay inay dishaan Wiyil

Pretoria (Himilonetwork) – Dalxiisayaal u baxay inay soo arkaan duurjoog ayaa la argagaxay aragtida haraadiga meydad dadeed oo ay ku xoonsan yihiin raxan libaaxyo ah. Kooxda dalxiisayaal ah oo ku socda goobta safari ayaa u yeeray booliska la dagaallama ugaarsiga si ay u ogeysiiyaan dhacdada. Nick Fox, oo ah milkiilaha safaariga Koofur Afrika ayaa sheegay in qeylo dhaan uu saakay maqlay ...

Read More »

Saaluun dhaleeceyn kala kulmay ficil halis ah oo uu ku sameeyey noole Quraanjo!

Moscow (Himilonetwork) – Burkiyeer ku yaalla caasimadda dalka Ruushka ayaa lagu tilmaamay mid arxanlaawe ah kaddib markii baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal halis ku ah nolosha quraanjo ku dhex jirta caagado ku lingaxan ciddiyaha faraha. Nail Sunny oo ah burkiyeer shacbiyad ku leh baraha bulshada ayaa la kulmay canbaareyn kaddib markii ay soo dhigeen bartooda – sawir iyo muuqaal muujinaya ...

Read More »

Dubai – Marka Seygaadu uusan kuu IDMIN inaad fiiriso Moobilkiisa.

Dubai (Himilonetwork) – Maxkamad ku taalla Imaaraadka Carabta ayaa dhawaan haweeney ku riday xukun saddex bilood oo xarig ah kaddib markii seygeeda uu ka gudbiyay danbi ah inay fiirisay moobilkiisa isaga oo aan u idmin. Warqad dacwo oo laga qoray seyga ayaa lagu sheegay in haweeneydan ay caadeysatay habeen walba markuu ninkeedu seexdo inay dhammaan sirta ku dhex jira telefoonkiisa ...

Read More »

Macalimad – si ay Ardaydeeda u jecleysiiso Wax-barashada – Fasalka uga dhigtay Mid Ashqaraar leh!

Manila (Himilonetwork) – Samelyn Lafuente, oo ah macalimad dugsi hoose oo ku yaalla Masbate, dalka Filibiin ayaa saddexdii sano ee ugu danbeysay waxay ardaydeeda wax ugu dhigtaa gudaha fasal lagu xardhay midab qurux badan – halkaas oo dhammaan wixii indhahaadu qaban karaan sida kuraas, miisas, gidaar iyo wixii la halmaala ay yihiin kuwa lagu mariimay midabka basaliga ah. Sagxadda dhulka ...

Read More »

Carruurta Rohingya oo Xeryaha Qaxootiga lagu barayo Qur’anka iyo Axaadiista.

Muqdisho (Himilonetwork) – Kasoo baxsiga qalalaasaha ay kaga soo carareen dhulkooda – oo ay ku hayaan maleeshiyaadka Buudiska ah ee Myanmar, carruurta qaxootiga Rohingya waxay wax-barasho diimeed ku helayaan kaamamka ay ku nool yihiin ee dalka Bangladesh. “Waxaan halkan u imid inaan barto Qur’anka, hooyaday waxay rabtay in aniga iyo walaalkey aan diinta barano si aan shaqsiyad fiican u yeelano,” ...

Read More »

Muslimad – muddo 30 sano ah – gacanteeda ku qoraysay Kitaabka Qur’anka.

Islamabad (Himilonetwork) – Haweeney Pakistani ah oo la yiraahdo Naseem Akhtar, taas oo ku nool gobalka Gujurat ayaa muddo 32 sano ah ku bixisay inay farteeda ku qorto Kitaabka Jaamaca ee Qur’anka. “Aniga oo kaliya ayaa qoray. Cidna ilama qaban, waxaana soo bilaabay taniyo markii aan da’yar ahaa sannadkii 1987-kii,” ayay tiri Naseem. Howlgalkan oo ah midkii ugu adkaa nolosheeda, ...

Read More »

Daawo – Balastikada oo laga sameynayo Sancooyin kala duwan sida Dhismaha Guryaha.

Muqdisho (Himilonetwork) – Dunida maanta waxaa halistii ugu weyneyd taariikhda casriga ah ku heysa bacda balaastikada taas oo degaanka ku reebeysa dhaxal aan la mahdin doonin mustaqbalka. Balse waxaa Jira dadaallo lagu doonayo in lagu mamnuuco gebi ahaan isticmaalkeeda. Hayeeshe, taasi waxaa inta badan laga doorbidayaa xal kale oo kasii fudud ficil ahaan. Mid kamid ah waa in balastikada dib ...

Read More »

Codbaahiyaha – Aalad hore oo Fikrado Cusub laga hal-abuuray!

Muqdisho (Himilonetwork) – Fogaan boqol mitir kuu jirta, waxaad ka maqli kartaa dhawaqa cod-baahiye si celcelis ah loogu tiraabayo oraah muujinaysa wax ugu danbeyn ay indhahaadu qabanayaan marka aad dultimaado. Waxaana laba middood ay u badan tahay inay noqoto – badeeco laguugu yeerayo inaad iibsato ama miskiin dawarsanaya oo doonaya inuu baahidiisa ku maqashiiyo. Dabeecaddan cusub ma ahan mid ku ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!