crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> October | 2018 | HimiloNetwork | Page 2

Monthly Archives: October 2018

Masjidkii ugu horreeyey Afrika oo dib loo dayac-tirayo.

ADDIS ABABA (Himilonetwork) – Masjidka al-Najashi oo la rumeysan yahay inuu yahay masjidkii koobaad ee laga dhiso qaaradda Afrika ayaa soo jiidanaya indhaha dalxiisayaal badan kaddib markii dayac-tiraad ay ku sameysay Hey’adda Gargaarka Turkiga.  “Markii aan aqrinayay taariiqdiisa waxaa maskaxdayda ku dhisnaa sawir qadiimi ah, laakiin aragtidiisu waa mid soo jiidasho leh oo aad moodo in shalay la dhisay,” ayuu ...

Read More »

Codsiga Dhalinyarada: Haddii Dowladdeennu na Maal-gelin laheyd – Farriin ku socota Madaxda Dalka.

Muqdisho (Himilonetwork) – Waxaa laga joogaa saddex sano markii Saxaraha Liibiya uu ku go’ay Gallad oo ahaa tiir-dhexaadka ugu dhaqdhaqaaqa fiican qoyskiisa ku nool nolol iska meel dhexaad ah. Wuxuu nolol bilow fiican leh ka aas’aasay Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab kahor inta uusan jecleysan inuu tahriibo ku galo Yurub si uu nolosha walaaladiisa sare ugu qaado. Laba sano kahor geeridiisa wuxuu ...

Read More »

Canbaareyn loo jeediyay Maal-qabeen Wiilkiisa Iskuulka ku keena Gaari qaali ah!

Beijing (Himilonetwork) – Nin shiinees ah ayaa laga tuuray qolka lagu sheekeysto ee WeChat – iyada oo lagu soo eedeeyey inuu hodantinimadiisa ku muujinayo inuu cunnigiisa maalin walba iskuulka ku keeno gaariga qaaliga ah ee Ferrari 488. Ninka, oo la yiraahdo Li, wuxuu madax ka yahay shirkad horumarineed oo ku taalla  Hangzhou, wuxuuna caadeystay inuu subax walba wiilkiisa ku keeno iskuulka gaarigiisa qaaliga ...

Read More »

Bisha Oktoober – Bar-kulanka Dhacdooyinka Soomaaliya.

Muqdisho (Himilonetwork) – Markii aad dhageysaneyso heesta Qarni waliba Sebenkii,  qorraxiba dharaarteed, waxaa daremeysaa in maalmuhu isku si aysan gabbalku ugu dhicin, waaguna ugu baryin. Seben walbana uu xanbaarsan yahay dhaxalkii gaarka ah. Hayeeshe, maalin walba waxay lasoo baxdaa wajigeeda qaas ah, waxayna la hoyataa taariikh u goonni ah. Haddana dhammaan maalmuhu ma wada ahan kuwa si la tilmaami karo ...

Read More »

Musiibadii 14-ka Oktobar –  Wixii dhacay waa laga soo kabanayaa!  

Muqdisho (Himilonetwork) – Waxaa laga joogaa sannad markii tiro ka badan 500 oo Soomaali ah ay ku dhinteen qarax lagu tilmaamay inuu ahaa midkii ugu weynaa ee qarniga 21aad ka dhaca dunida saddexaad. Balse gu’ kaddib goobtani ma ahan sideedii hore muuqaal ahaan. Waxaa ka muuqdaa is-beddel xaga bilicda iyo degaan quruxsanaanta la saaxiibaya. Indhuhuna in badan kama naxayaan inay ...

Read More »

Masjidka Lhasa – Mid kamida Masaajidda ugu dheerdheer Adduunka.

Tibet (Himilonetwork) – Isaga oo oogada sare ee badda ka sarreeya 3650 meters, Masjidka Hebalin oo sidoo kale la yiraahdo Lhasa oo ku yaalla gobalka Tibet ee dalka Shiinaha, waxaa loo arkaa mid kamid ah masaajidda uGu dheerdheer adduunka. Masjidkan oo la dhisay sannadkii 1716, waxaa dib u dayactir lagu sameeyey sannadkii 1959-kii. Masjidku wuxuu leeyahay saddex ilin oo laga soo ...

Read More »

La kulan – 7 jirkii noqday Milkiile iyo Maareeye Bangi oo uu Isagu iska leeyahay!

Lima (Himilonetwork) – Carruur badan waxay ku riyoodaan inay noqdaan hal-hindiseyaal ‘entrepreneur’ marka ay qaangaaraan. Jose Adolfo Quisocala Condori, oo ah wiil u dhashay dalka Peru, wuxuu bilaabay Bangi gaar u ah carruurta oo ay ku keydsan karaan lacagahooda markii uu jiray toddobo sano. Maanta, Bangigiisa waxaa ku xiran macmiil gaaraysa 2,000, wuxuuna bixiyaa dhowr nuuc oo adeegyada maaliyadda kamid ah. ...

Read More »

Sawirro muujinaya Nolosha Boqor Abdulaziz – Aabihii helay dalnimada Sucuudiga.

Jeddah (Himilonetwork) – Sawir-qaadayaal dhowr ah ayaa awooday inay keydiyaan sawirrada safarkii noloshii hore ee Boqor Abdulaziz Al Saud, oo ahaa helaha Boqortooyonimada Sucuudi Carabiya. Sawirada ay qaadeen ayaa laga fahmi karaa noloshii hore ee dhismaha dalnimada Sucuudiga oo berigaas dhidibada loo taagay. Maktabadda Boqor Abdulaziz waxaa ku keydsan dhowr sawiro oo caadyaal u ah halgankii lagu dhisay Boqortooyada iyo ...

Read More »

Masaajidda guur-guura oo soo jiidanaya indhaha dalal badan oo aan Muslimiin aheyn!

Tokyo (Himilonetwork) – “Masaajidda Wareega waxaa loo arkaa lama huraan halkan gudaha Japan,” ayuu yiri Yasuharu Inoue, oo ah madaxa guddiga kaas oo adduun dhan US$88 ku hir-geliyay fikradda masjidkan. Masjidka wuxuu leeyahay dhammaan agabyada lama huraanka u ah masaajidda sida biyaha lagu weyseysto, musqulo, codbaahiyaal, masallayaal lagu tukado iyo wixii la halmaala. “Hadda masaajiddani waxay soo jiidanayaan indhaha 45 ...

Read More »

Muslimad loo diiday inay ka qeyb-gasho Tartanka maadaama ay xiran tahay Xijaab!

Jakarta (Himilonetwork) – Gabar indhool ah oo kamid aheyd kuwa u tartamaya ciyaarta judo ayaa heshay taageero shacbiyad leh kaddib markii laga diiday inay ka qeyb-gasho tartanka Asian Para Games maadaama aysan dooneyn inay iska siibto xijaabka. “Halis walba oo jirta, marna lagama yaabo inaan iska siibo xijaabka,” ayay tiri Miftahul Jannah. “Waan murugoonayaa; waayo waxaan soo tabbaranayay muddo 10 ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!