crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> March | 2017 | HimiloNetwork | Page 3

Monthly Archives: March 2017

20 March: Maalinta Caalamiga ee Farxadda

Muqdisho (Himilonews) – Tilmaanta la siiyo wax kasta oo dubaaqa qofka ku beera astaamaha reynreynta – muuq iyo macnawiba – ayaa la yiraahdaa Farxad. Waana hubka mar waliba loo baahan yahay si loola diriro murugada. Farxad mar kale waxaa lagu tilmaamaa helidda wixii aad rabtay. Si kastaba, sanaihii danbe waxaa maalmaha caalamiga ee la xuso maanta oo kale loo asteeyey ...

Read More »

Lakulan: Ninka gurigiisa maktabad uga dhigay dan-yarta si ay wax ugu aqristaan

MUQDISHO (Himilonetwork) – Howl-gab xisaab-yaqaan Filipines ah,  Hernando Guanlao, wuxuu helay waddo cajiib ah oo uu ku qaato waqtigiisa nasiinada u badan – wuxuu maktabad yar ka sameeyey ardaaga hore ee gurigiisa isaga oo ilmaha danyarta ah buugaagta ku siiya lacag la’aan. Maktabadda yar ee Hernando waxay aad muhiim ugu tahay bulshada uu ku dhex nool yahay halkaas oo carruur ...

Read More »

Ey si tiiraanyo leh iridda hore ee isbitaalka ku sugay milkiilihiisa oo dhintay

Brazil (Himilonews) – Taniyo markii milkiilihiisa loo qaaday isbitaalka Ruth Cardoso Hospital ee magaalada Santa Catarina, Brazil, Ey madow oo lagu magacaabo  Negão wuxuu si dul-qaadnimo ku jirto bannaanka hore ee isbitaalka ku sugayay saaxiibkiis si uu ugu soo baxo. In kasta oo ninku dhintay in yar kadib markii la keenay isbitaalka, hadana sheekada  Negão waxay taabatay qalbiyada dad badan oo dunida dacalladeeda saaran. ...

Read More »

Cilmi-baaris: Islaamku waa diinta ugu faafista badan dunida

Muqdisho (Himilonews) – Islaamku waa diinta ugu faafista badan, hey’adda fadhigeedu Maraykanka ee Pew Research Center ayaa sidaas tiri. Marka loo eego Pew, Islaamku waa diinta labaad ee ugu weyn caalamka kadib Masiixiyadda. Tirada Muslimiinta sanadkii 2011 ayay ku sheegtay 1.6 bilyan oo ka dhigan 23% tirada caalamka. Islaamka waxaa la filayaa inuu helo Muslimiin badan oo tiradii kor u qaada ...

Read More »

Booqo Matxafka lagu keydiyo Moobilladii la isticmaalay

Muqdisho (Himilonews) – Inteenna badan waxaa dhacda in mid iyo laba aan ka heli karno telifoonnadii hore ee lasoo isticmaali jiray hayeeshe 26-jir lagu magacaabo Stefan Polgari ayaa keydkiisa ku haya ku dhawaad 3,500 tilifoonno ah oo isugu jira 1,231 kala nuucyo ah. Polgari oo kasoo jeeda magaalada Slovekian-ka ee Dobsina wuxuu aalaba jeclaa la socodka tiknoolojiyadda, markii uu gaaray da’da 15-jirkana wuxuu ...

Read More »

Carruur shan sano jir ah oo loo xiray laad ay ku dileen shinbir

Prague (Himilonews) – Dhowr carruur shan sano jir ah ayaa galay gacan-ku-heynta booliska kadib markii lagu eedeeyey sababsashada dilka Shinbir ku sugneyd xerada xanaanada noolaha, marka loo eego booliska dalka Czech Republic. Vysocina police ayaa sheegay in goobjooge uu arkay wiilal shan sano jir ah oo haraanti ama laad ku dhifanaya laba shinbirood oo ku jira Jihlava Zoo. Labada shimbirood waxaa ku ...

Read More »

Mahadsanid Mustaqbal – Shukran Mustaqbal.

Muqdisho (Himilonews) – Mustaqbal – Tiirka waayahaygii saxaafadeed ee curdinka ahaa. Kadib sugista muddo ku dhow 6 bilood codsi shaqo oo aan usoo dirtay maamulka sare ee idaacadda, bishii Janaayo sanadkii 2016-ka ayaan si rasmi ah uga howl-galay sal-dhigga koobaad ee Mustaqbal Radio – Muqdisho. Maalintaydii koobaad 16-kii bisha Janaayo  sanadkii hore, taariikhda noloshayda cusub iyo waayahayga saxaafadda waxaa u ...

Read More »

Dhageyso: Warbixin ka hadlaysa sida qofku u midayn karo waxbarashada iyo shaqada

Muqdisho (Himilonews) – Dad badan marka ay arkaan arday u socda dugsi wax-barasho waxay durba sawirtaan fursadda uu helay. Hayeeshe, marka lasii daba-galo sheekooyinka ardayda qaar, fursadaha ay helaan kuma dhashaan oo kaliya dareen waalid iyo darajooyin isku mid ah. Halka waalidka awooda inuu carruutiisa ka yeelo sida uu doonayo inay mustaqbalka u ekaadaan – uu ku bixiyo adduun kasta ...

Read More »

Jaziiradda Migingo – barta kalluumaysiga Harada Afrika ugu weyn ee Victoria

Lake Victoria (Himilonews) – Migingo oo ah Jaziirad yar oo kaabiga ku heysa Harada Victoria ee Kenya ayaa dhan cabbir ahaan 0.49 acres, hayeeshe waxay si rasmi ah guri ugu tahay 131 daganayaal ah – in kasta oo xogaha qaar ay tilmaamaan in tiradu gaareyso ku dhawaad 1,000 qofood – taas oo ka dhigan jaziiradda ugu dadka badan dunida qiyaasteeda. Jaziiradda oo loogu ...

Read More »

Lakulan: Ninka Jaceylkiisa awgeed baaskiil ugu socdaalay Aasiya ilaa Yurub

Delhi (Himilonews) – Bishii January 22, sanadkii 1977, 24-jir lagu magacaabo P.K. Mahanandia ayaa safar dhulka ah bushkuleetti ‘Baaskiil’ uga baxay magaalada Delhi ee caasimadda India isaga oo ku tagaya magaalada Boras ee dalka Sweden – si uu ula jiro marwada uu ogaa inay tahay jeexiisa midig. Sheekadooda jaceyl ee cajiibka noqotay waxay noqotay mowduuca buuggii loogu iibsiga batay ee uu qoray ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!