crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> July | 2015 | HimiloNetwork | Page 4

Monthly Archives: July 2015

Aramadii Cawbaarka oo wali taagan!!

waxaa soo sawiray Zakariya Hassan, Muqdisho (Himilonews) – Indhaha reer Wardhiigleey gaar ahaan Laanta Saddexaad ee degmada, waxaa wali ka socda baroordiiq loo sameynayo geeridii xaraarugga laheyd ee ku timid Geedkeennii Cawbaarka. Dadka xaafaddani ku noolaa muddaba waxay sii wadaan inay ka sheekeeyaan wax-qabadkii iyo qiimhihii uu lahaa geedka Cawbaar oo dorraad galab heegada soo sagootiyay kadib markii uu shullaha ka ...

Read More »

Warshaddii Balcad ee webi Shabeelle

Balcad (Himilonews) – Warshaddii Dharka ee Balcad waxay ku taallaa degmadii Taytayleey ee ah joogadeenna Balcad. Warshadda waxaa la aas’aasay sanadii 1966-kii. Waxay sameyn jirtay kaaki Maraykan ah, Bafto, Marbuuciyo dhar kale oo midabyo qurxoon leh oo kala duduwan. Warshadda waxaa ka shaqeyn jiray boqollaal qof oo shaqaale ah iyo farsamayaqaanno Soomaali ah oo aqoon u leh sida dharka loo ...

Read More »

Sida loo noqdo VIP maalinta Qiyaamaha!!

Muqdisho – Ereyga VIP waa weer Ingiriisi ah taas oo ah “Very Important Person” oo la micno ah “Qof aad iyo aad Muhiim u ah.” Dunida maanta. heerka ugu sarreeya ee qofku nolosha inuu ka gaaro jecel yahay waa inuu meel sare wax walba ka joogaa. VIP-nimadu waa mudnaan dadku ay kala dheereystaan iyo madhaafaan aan dhanna looga bareeri karin. ...

Read More »

Angela Markael oo Afurka lawadaagaysa Muslimiinta Jarmalka.

Muqdisho (Himilonews) – Xaadirista afurkeedii ugu horreeyey sida madax Jarmaleed, Angela Markel waxay ku sheegtay Islaamka isda  “qeyb kamid ah Jarmalka,” tiiyoo wali Islaam  naceybku uu wali kusii kobcayo Qaaradda Yurub. “Way iska cadahay in Islaamku uu yahay qeyb kamid ah Jarmalka” ayay ku tiri baanisaheedii afurka oo lagu qabtay Villa borsin oo ah aqalka martida ee wasaaradda Arimaha Dibadda, ...

Read More »

Daawo Sawirrada; Geedkii Cawbaarka oo dhintay!!

sawirada halkan ka daawo; Muqdisho (Himilonews) – Kadib qarni iyo dheeraad oo uu qumaati u taagnaa; hoy iyo hirashana usoo ahaa duusha iyo dadkaba, shalay casir-gaabadkii ayuu dhulka kusoo dhacay. Gaari carra-gadis ah ayaa dhaawac ka gaarsiiyay jiridda hoose kahor casir-gaabadkaas intii uu ugu danbeyn heegada soo macsalaameyn. Sida uu u geeriyooday waa arrin yaab badan. Xittaa isaga laftiisa ayaa ...

Read More »

Qurux; Midabyaleey!!

qeybtii labaad; Ku kala tagsanaanta guud ee qurux sifeynta kasokow, dad badan waxay ku kala beyreen jiraalka waxa fool-xumada la yiraahdo—kol haddii macno guud oo wadareeya aragtida quruxda aan lahayn. Taas oo iyadna dhalisay dood hor leh oo ku saabsan inaysan ba jirin wax lagu magacaabo foolxumo oo liddi ku ah quruxda. Kuwa middani daba ka wadaa waxay u daliishadaan—lumininta ...

Read More »

Wax ka baro Hindiya!

–Hindiya waa wadanka labaad ee ugu wax soo saarka badan BARIISKA marka laga yimaado Shiinaha. –Ku dhawaad 65,000 oo caruur ah ayaa lagu dhalaa gudaha Hindiya maalin kasta. –intii u dhaxeysay 1970 iyo 1980, dadyowga Hindiya waxay kor u kaceen 14% sanad kasta tobankaas sano dhexdooda taas oo ka dhigtay 140,000,000. –Hindiya waa wadanka koobaad ee ugu filim soo saarista ...

Read More »

Baydhabo mise Barisamo!!

qeybtii saddexaad; Baydhaba, Baay (Himilonews) – Maanta socdaalkaygu dhankasta kagama duwana socdaallada kale. Kaliya waxaan aad u naawilayey inaan mar un gaadho Baydhabo. Walow aanu safarkani ahayn mar-aragaygii koobaad ee Baydhabo, hadana hilow iyo hanqal-taag jamasho ayaan u qabay kolkan, maadaama kolkii hore aan maray anigoo kuray ah. Malahagayga sanadii 2007-da dabayaaqadiisa. Abaare 4:30pm ayaan kusoo dhawaanay caradii bakoolka iyo ...

Read More »

Wax ka baro Hindiya!

–Hindiya waa wadanka labaad ee ugu dadka badan dunida marka laga yimaado Shiinaha. –Hindu waa diinta badi dadka Hindiya aaminsan yihiin. 80% dadka Hindiya waa majuusiyiin Hinduu ah. –Islaamka ku nool Hindiya waxaa lagu sheegaa ku dhawaad 2,000000 oo malyuun taas oo ka dhigan in Muslimiinta ku nool dunida uu yahay wadanka saddexaad ee ugu tira badan marka laga yimaado ...

Read More »

Abuurka iyo Baxaalliga Libaaxa

Muqdisho – Bahal dugaag weyn oo xoog badan oo jooga Afrikada hodanka ah iyo meelo Aasiya kamid ah. Wuxuu leeyahay midab cawl ah iyo dabo bul eh. Kiisa labka ahna wuxuu qaarka hore ku yeeshaa dhogor dheer oo fara badan iyo shaash duf ah; wuxuu cunaa oo uu ku nool yahay dadka iyo duunyadaba. Libaaxu waa hal-doorka dugaagta ku nool ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!