crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> July | 2015 | HimiloNetwork | Page 2

Monthly Archives: July 2015

Ka ganacsiga Dadka “Human Trafficking”

Qeybtii labaad; Brazil—si lamid ah Hindiya iyo China, waa dal koror dhaqaale kusii socda. Farqiga u dhaxeeya saboolka iyo tanaadkuna waa badweyn. Dadka-ganacsigu waa dhib kusii baahaya gudaha Brazil. Ujeedada ugu weyn ee ka-ganacsigan ayaa ah in la helo dhillooyiin dalxiisayaasha soo jiita. Sidoo kale, xoogsatada ayaa lagu sandulleeyaa inay qabtaan howl aan u dhigmin gunnadooda. Dowladda Brazil waxay isku ...

Read More »

Ka ganacsiga Dadka “Human Trafficking”

Qeybtii 1aad; Muqdisho (Himilonews) – Waxaynu nool nahay qarniga 21aad oo mid iyo qof kasta uu xor u yahay inuu sameeyo wuxuu ka helo; u dhaqmo suu doono; u noolaado suu doorbidayo. Waxaynu ka hadalnaa xurnimo hayeeshe dhab ahaan, dhamaan dadku ma wada ahan xor. Adoonsigii waa la xabisay; wuxuuna ka noqday xaq-daro aduunka oo dhan, hase ahaatee, dadku wali ...

Read More »

10-ka Dal ee ugu sarreeya Qaxwada Dunida!!

Qeybtii labaad; Hindiya—waa dal dhaca Aasiya. Waa dal, sida Soomaaliya, kasiman magacyada daleed, dadeed, diimeed iyo afeed, waloow diinteenna magaceedu yahay Islaam; huwiyadeenuna tahay Muslim. Hindu ma ahan oo kaliya diinta lagaga dhaqmo Hindiya. Waxaa jira Islaamka oo ah diinta labaad ee Hindiya lagaga dhaqmo, Sikhism, Budha iyo Kiristaan. Caasimaddu waa New Delhi. Honduras—waa dal dhaca koofur Ameerika. Caasimaddiisu waa ...

Read More »

10-ka Dal ee ugu sarreeya Qaxwada Dunida!!

Qeybtii labaad; Hindiya—waa dal dhaca Aasiya. Waa dal, sida Soomaaliya, kasiman magacyada daleed, dadeed, diimeed iyo afeed, waloow diinteenna magaceedu yahay Islaam; huwiyadeenuna tahay Muslim. Hindu ma ahan oo kaliya diinta lagaga dhaqmo Hindiya. Waxaa jira Islaamka oo ah diinta labaad ee Hindiya lagaga dhaqmo, Sikhism, Budha iyo Kiristaan. Caasimaddu waa New Delhi. Honduras—waa dal dhaca koofur Ameerika. Caasimaddiisu waa ...

Read More »

10-ka dal ee ugu sarreeya Qaxwada Dunida!!

Qeybtii 1aad; Qalinkii; Zakariya Hassan. Halka jidka aad maraysaba laga yaabo inaad ku aragto tiro ka badan labo goobood lagu shaaho ah, ashqaraar kuguma dhalinayso in Qaxwada/bunka kamid tahay tobanka shey ee ugu sarreysa quudka maalinlaha ah ee dunida maanta. Soo galista booska saddexaad kadib biyaha iyo shaaha, dalagga qaxwadu wuxuu dunida ka joogaa meel sare. Toban dal ugu soo ...

Read More »

Gaajadu waa Col!!

Qalinkii; Zakariya Hassan. Innagu waynu gaajoonna; hase ahaatee, waynu ognahay waqtiga aynu wax cuni karno. Balse iyagu way gaajoodaan; hayeeshe, ma oga waqtiga ay wax cuni doonaan!! Waynu nasiib badannahay. Waxaynu heli karnaa wax ka badan waxaynu u baahannahay. Waxaa jira waxaabo badan oo indhaheenu qabtaan maalin kasta; in yar ayaase qalbigeenna ku dhacda oo mahadho ku reebta!! Hayeeshe, bal ...

Read More »

Abuurka iyo Baxaalliga Libaaxa!!

Qeybtii 3aad; Cagabaruurtu waxay kadeed iyo kur-ka-goys kala kulmaan dugaagta kale sida; Dhurwaaga, Haramcadka, Halaqyada iyo Haadda qaarkood sida; gorgorka. Waxaa kale oo ciil caabuqay ku disha Lo’ Kinsiga “Buffalo”. Waxaa intaas dheer, kolka uu Aar cusubi ama xoog lihi xilka ka bursado kii hore, wuxuu nafta-tagsiiyaa Cagabaruur waloo nool. Dabcan, sababtu waxay tahay Gooshu bacrin “fertile” ma noqoto umana ...

Read More »

Erey-bixinta DUUR-JOOGTA iyo Soomaalida!!

Qeybtii 2aad; Halka dunidu ay ilaalinayso xaq-dhowrka iyo xurmada noolaha ku nool duurka; daaq iyo duunyaba “flora and fauna”, Soomaaliya waxay hanteedii Duur-joogta ku luminaysaa inay disho; dagaagto; ama uu dal shisheeye xaalufsado. Dhibta Duur-joogta lagu hayo waxaa ugu weyn; gumaad lagu wado har iyo habeen, burburka hab-nololeedka deegaan, dib-u-dhaca kusii imanaya tarantooda kol hadii aanay helin karantiil iyo kalkaalo ...

Read More »

Shiinaha iyo Turkiga oo isku qabtay Qadiyad Islaami ah!!

Qeybtii labaad; Dadyowga Shiinaha ayaa lagu tiriyaa umadaha aragtida qaldan ka aaminay Islaamka iyo Muslimiinta tan iyo September 11, 2001, tiiyoo dacaayadda warbaahinta reer Galbeedkuna ay muuqaal qaldan ka gudbiso dunida Muslimka. Intii hadaba lagu guda-jiray banbixii Istanbul, dibadbaxyaasha ayaa gubay xarumo badan oo muwaadiniin Shiina ahi leeyihiin. Waxaa kale oo la arkayay indha-yar ku qeylinaysa “Ma nihin Shiinees, waxaynu ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!